Taageerada ay madax ka tirsan DF u muujiyeen Ina Maalinguur oo xitaa ka baxday xadkii qabaliga & Su’aalaha uu ka il-duufay Wasiir Fiqi

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2023 – Sanadkii 1991-kii markii USC Xamar qabsaday ayay shir ku qabsadeen Xamar, markaa ayaa waxaa la arkay qaar ka mid ah madaxdii Dawladdii Kacaanka oo shirkii fadhiya.

Xuseen Kulmiye oo 21 sano Maxamed Siyaad kuxigeen u ahaa kana mid ah dadkii shirka fadhiyay ayaa inta ka yaabay maskaxfalluuqa USC waxa uu ku yiri “war ama na xirxira ka dib na dawlad soo dhisa ama naga ummadda ka hor wareega dawlad ha dhisatee.” Bal iswaydii halganka Maxamed S. Barre eryaday Xuseen Kulmiye na shirka halgamayaasha ku martiqaaday!

Caqliga la iskula sawirayo oo loo soo dhowaynayo Ina Maalinguur oo ah argagixiye mariyay oo madoobeeyay oo koor leh ahna dilaa wayn oo caan ah waxa uu la mid yahay kii Maxamed Siyaad erayaday Xuseen Kulmiye na ka leexday. Sababtoo ah, sideedaba qabiilku ma leh mabda’ siyaasadeed iyo amni bulsho oo uu ilaaliyo ee keliya dhalasho ayuu ilaaliya; halka dawladdu ilaaliso mabda’, iyo sharci ee aysan reernimo aqoon.

Dilaaga adduunka ugu wayni haddii uu tolka dhex yimaado waxba looma raacdo. Waa taas sababta Ina Maalinguur oo xubin ka ah argagixisadii kunka qof hal daqiiqo ZOOBBE ku dishay la iskula sawirayo oo loo difaacayo.

Fiqiyow adiga isku sawiridda Ina Maalinguur qabyaalad kaama aha oo waan og ahaye, hadii aad garan wayday in Shabaab maanta jabeen ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba oo isdhiibiddoodu keliya u goyso in aan la layn ee naftooda la badbaadiyo, kuwa isdhiiba, dabadeedna xabsi lagu guro, haddii aad intaa garan wayday Fiqiyow, ma garan wayday in aad tahay WASIIRKII ARRIMAHA GUDAHA SOOMAALIYA oo aad matashid madaxweyne Xasan Shiikh iyo ra’isul wasaare Xamse C. Barre, la kulankaaga argagixiyaha baxsadka ahina ay la mid tahay madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha oo la kulmay oo isku sawiray argagixiye 12 bilood xabbbad la la dhacay dabadeedna soo baxsaday oo isdhiibay?
Go’e! Fiqiyow intaa ma garan wayday? Maxaa argagixiyaha baxsadka ah ee tabarta daran kula sawiray?

Xildhibaan Cagawayne Xildhibaan Qaali Shire waxa aan idin waydiiyay, haddii aad argagixiye Ina Maalinguur Sacadnimo ugu damqateen? Miyaad illowdeen in qaraxii ZOOBBE ONE ay 150 qof oo Sacad ahi ku dhinteen? Miyaad illowdeen in ZOOBBE TWO 50 qof oo Sacad ahi ku dhinteen? Miyaad illowdeen in argagixiye Ina Maalinguur ka mid yahay madaxdii kuwii dadkaas xasuuqay? Labadaa boqol ee qof ee Sacad ZOOBBE argagixisadu dhigtay iyo kumannaankii kale ee ay ka mid ahaayeen kuwii SHAAMOW oo aqoonyahankii Sacad ku dhammaaday, iyo kii Gaalkacyo ee saraakiishii Sacad ee Qooje hoggaaminayay ku dhammaadeen, miyaad illowdeen? Sacadnimada aad argagixiye Ina Maalinguur ugu damqateen may kuwaa idiin damaqdo?

Ugu dambayn, habaryartay Saynab Xaabsey waxa aan leeyahay, habo Saynabeey halaagga argagixisada Ina Maalinguur ka mid yahay dadkaaga badday waxaa ugu sahlan inta dushaada iyo foolkaaga ku taalla, sidaa daraaddeed u jiirnaxaaga argagixiye Ina Maalinguur ma aha wax kale ee STOCKHOLM SYNDROME.

W; Q: Cali M Diini

Hadalsame Media