(Ankara) 30 Agoosto 2023 – Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helay ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in magaalada Ankara uu kulan ku dhex maray labadii Madaxweyne ee hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Kulankan oo uu dalbaday Farmaajo ayaa ujeedadiisu ahayd in Madaxweyne Farmaajo cafis ka dalbado Madaxweyne Shariif, gaar ahaan dhacdooyinkii dhacay mudaddii uu xukunka hayay Farmaajo sida weerarkii Hotel Maa’idda iyo xanibaaddii diyaaradaha.
Labada Madaxweyne ee hore ayaa labo jeer is arkay, kulanka hore ayay keli ku ahaayeen, halka kulanka labaad uu Farmaajo la socday Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.
Wararka ayaa intaa ku daraya in labada dhinac ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaase kulankooda ku soo aadayaa, iyadoo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay dagaal xooggan kula jirto Argagixisada.
Kooxda Farmaajo ayaa xilligan loo arkaa inay raadinayaan isbaheysi siyaasadeed oo gudaha dalka ah.
W; D: Cabdicasiis Golfyare
Hadalsame Media