(Hadalsame) 30 Juun 2023 – Sida dabiiciga ah bulsho kasta facyada ka la dambeeyaa waa ay ku ka la duwanaadaan fikirka, aragtiyaha nolosha iyo hab-dhaqanka.
Tadawurka iyo isbeddelka aadamiga iyo horusocodka ayaa sidaas ah. Afka qalaad waxaa la gu yidhaahdaa “generation gap”.
Ka la duwanaantaasi mararka qaar wax ay dhashaa isdiiddo keeni karta khilaafyo iyo xitaa iskudhac weyn. Taasi wax ay geli kartaa qiyamka, siyaasadda, aqoonta, farsamada la adeegsado iyo guud ahaan dhaqanka. Taasi waa ta ka dhex dhacda xitaa waalidka iyo carruurtiisa.
Haddaba sida aqoontu ina barayso bulshada doonaysa in tadawurkeeda nololeed habsami u socdo waxaa loo ga baahan yahay in ay xaaladdaa u feejignaato. Facyadu waa in ay is wataan oo aanay ka la go’in, oo waxii hore iyo waxa cusub ka la bartaan isuna gudbiyaan.
Maanta siyaasadda Soomaalilaand waxaa ku jira “generation gap” aad u weyn. Taladii dalka waxaa ku maran odayo wada da’dii asaasaqa jooga oo maskaxda iyo dhaqankaba ka abaaday.
Waa odayo dhaqan ahaan wax waliba u gu qiimaysan yihiin qiyamkii qabiilka, aqoontoodu tahay waxii yaraa ee la ga bartay iskuulladii isticmaarka iyo shuuciga, siyaasaddana u ga aragti qaata Soomaaliyadii fashilantay ee ay ku shaqo barteen.
Wax ay fursadihii oo dhan ka haystaan facii kacay soddonkii sano ee tagay, dalkiina wax uu noqday sidii baabuur beri hore meel ku kharaabay oo halkii ku daxalaysatay.
Facii dambe qudhiisuna markii uu fursad dhaqaajisa waayay wax uu noqday kharaab kale oo kii hore ag yaalla.
W; Q: Ibraahim Hawd
Hadalsame Media