(Hadalsame) 30 Agoosto 2023 – Maxamed, oo ahaa 14 jir Soomaali ah iyo Layth, oo isna 14 jir ah, ayaa la sheegay inay ka tageen laba goobood oo lagu hayey kaddib markii qoysaskoodii lagasoo kaceeyey kuwaasoo ku yaalla Bartamaha Iswiidhen intii u dhaxaysay 24-kii ilaa 25-kii Luulyo, kaddibna waa la waayey.
29-kii Luulyo, Maxamed ayaa maydkiisa laga helay meel kayn ah oo ku taal Nynäshamn. Sida laga soo xigtey wargayska Aftonbladet, waxa la sheegay inay middiyo ku yaalleen.
Dhowr toddobaad oo dheeraad ah kaddib, Layth waxaa sidoo kale laga helay isagoo mayd ah meel kayn ah oo ku taal Upplands Bro, iyadoo maydkiisa la isku dayey in wax lagu qariyo.
Labada wiil ayaa looga shakisan yahay in loo gaystay jirdil, iyadoo ay Booliisku sheegeen inay dhici karto inay u shaqaynayeen shabakadda burcadda ah ee Foxtrotnätverket, sida ay sheegtay Aftonbladet.
Waxa kale oo la tuhunsan yahay in dhallinyaradu ay ku fashilmeen mid ka mid ah shaqooyinkii loo diray ee Foxtrot, taasoo keentay in la afduubo oo markii dambe ay dishey shabakaddu.
CABDI GELIN – Booliiska ayaa in markii la afduubay 14-sano jirradan, ayaa waxaa la sheegayaa in sawirradooda loo diray dhalinyarada kale ee kooxda si ay u cabsi geliyaan. Wargaysku ma sheegin in sawirradu yihiin markii la diley kaddib ama kahor iyo nooca sawirrada loo diray.
Sida laga soo xigtey isla wargayska Aftonbladet, dhallinyaro badan oo kale ayaa weli loo arkaa inay halis ku jiraan oo iyagana la dili karo.
Sida laga soo xigtey ilo-wareedyada, waxaa sidoo kale jira cadaymo muujinaya in Rawa Majid – oo sidoo kale loo yaqaan “dawacada Kurdish-ka”, oo lagu sheego hoggaamiyaha Foxtrot – uu si toos ah ugu lug leeyahay kiisaskan.
Hadalsame Media