Haddii aad carruur la safrayso diyaaraddan iska jir wixii ka dambeeya 3-da Nofeembar

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2023Diyaaradda Corendon Airlines ee dalka Netherlands ayaa bilaabaysa inay samayso aag carruurta ka caaggan ama laga mamnuucayo.

Aaggan oo u gaar ah ‘Kaliya Qaangaarka’ ayaa laga heli doonaa duullimaadyada diyaaradda A350 ee u dhexeeya Amsterdam iyo Jasiiradda Dutch Caribbean-ka ah ee Kuracao, taasoo bilaabmaysa Nofeembar 3 isla sanadkan.

Aaggu wuxuu ahaan doonaa qaybta hore ee diyaaradda wuxuuna ka kooban yahay sagaal ‘XL’ kursi, oo leh luga-fidsi dheeri ah, iyo 93 kursi oo caadi ah, sida uu qabo nidaamka cusub ee Corendon.

Maamulka shirkaddu wuxuu sharraxay in aaggan jir ahaan looga sooci doono qaybaha kale ee diyaaradda ‘iyada oo la adeegsanayo daahyo iyo gidaarro’, taasoo ‘abuuri doonta jawi gaashaaman oo gacan ka gaysta duullimaad deggan oo xasilloon’.

Maamulka diyaaraddan Dutch-ka ah ayaa intaas ku daray: ‘Aaggan diyaaradda waxaa loogu talagalay rakaabka safraya carruur la’aan iyo dadka safarka ah ee doonaya inay ku shaqeeyaan degaan xasilloon.”

Hadalsame Media