Dr Edna oo aad u dhaliisha DF Somalia ayaa daaha gadaashiisa kula macaamisha (Arag caddayntan)

0

(Hadalsame) 30 Agoosto 2023 – Dr Edna Aadan oo ka mid ah siyaasiinta Somaliland ee sida xooggan u diidan la macaamilka Dowladda Soomaaliyeed, ayaa daaha gadaashiisa kula macaamisha.

Edna oo sidoo kale si ba’ana u sheegta in ay Somaliland tahay dal ka madaxbannaan Somalia oo ay si wayn marar badan u aflagaadayso si weliba ka baxsan qiyamka bulshada, ayaa Jaamacadeeda EDNA University ee ku taalla Hargaysa DF uga raadise rukhsad iyo aqoonsi rasmi ah, si shahaadadeeda looga aqbalo jaamacaddaha Caalamka.

Sida ku cad shahaadada aqoonsiga, bishii Maarso ayay Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya, gaar ahaan Xaafiiska Tacliinta Sare ogolaadeen in Jaamacadda Edna lasiiyo ogolaanshaha iyo aqoonsiga Jaamacadnimo.

Xoguhu waxay intaa raacinayaan in Edna University oo uu fadhigeedu yahay magaalada Hargaysa, ayaa mudo dheer baadigoob ugu jirtey helista shahaadadan.

Hadalsame Media