”Annagaa wadanna” – Gary Neville oo lagu dhaliilay inuu is qarin waayey & Dood ka taagan sababta loogu dhiibey tebinta koox uu… (Daawo)

0

(Manchester) 30 Agoosto 2023Taageerayaasha ayaa dood ka bilaabay baraha bulshada si ay su’aalo isaga waydiiyaan sababta Gary Neville loogu doortay inuu tebiyo kulankii ay Salford ay rigoorayaal kaga adkaatay Leeds tartanka EFL Cup.

Daaficii hore ee Manchester United ayaa waxa uu tebinaye ciyaartan oo uu soo duwayey Sky Sports taasoo ka tirsanayd wareegga labaad fiidnimadii Talaadadii shalay.

Laakiin go’aankan ayaa shaki iyo dood ka dhaliyey khadka internet-ka, marka la eego xiriirka ka dhexeeya 48-jirkan iyo kooxda ka dheesha League Two.

Neville waxa uu ahaa la-milkiilaha kooxda Ammies ilaa 2014 isaga oo ay weheliyaan xiddigihii hore ee United ee David Beckham, Nicky Butt, Ryan Giggs Paul Scholes iyo Phil Neville, isagoo ilaa Oktoobar ahaa Agaasimaha Guud ee kooxda.

Matt Smith ayaa hoggaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa oo kasoo horjeeday kooxda ay isku hayaan Championship-ka ciyaar ka dhacday garoonka Peninsula Stadium, Neville ayaana qarin kari waayey farxaddiisa, isagoo dabbaaldeggiisa laga maqlay makarafoonka.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa soo qoray: ”Waa yara waalli in Gary Neville uu u tabiyo ciyaarta koox uu qayb ka leeyahay lol.”

Social media users expressed their views on the decision to have Neville on commentary

The pundit and his former Man United teammates have been co-owners of the League Two side since 2014

Hadalsame Media