Agaasimihii Inter Milan oo xabsiga loo taxaabay & Waxa loo haysto

0

(Beijing) 30 Agoosto 2023 – Agaasimihii hore ee Inter Milan iyo xubin ka titsan Guddiga Sare, Jun Liu, ayaa lagu soo warramayaa in loo xiray eedaymo musuqmaasuq oo ka dhacay Shiinaha.

46-jirkan ayaa horay usoo noqday Madaxwaynaha Jiangsu Suning oo ah koox ay leedahay shirkadda Inter leh.

Wuxuu sidoo kale ahaa Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Nerazzurri, isagoo xubin ka ahaa guddiga sare ee maamulka kooxda lagasoo bilaabo Juun 2016 ilaa Oktoobar 2018-kii.

Beijing Youth Daily iyo Calcio e Finanza ayaa faahfaahinaya sida xarigga Liu uu ku yimid lix bilood kaddib markii Madaxwaynaha FA-ga Shiinaha ee Chen Xuyuan lagu bilaabay baaritaan iyadoo lagu eedeeyey inuu sameeyey ‘xadgudub culus oo dhinaca sharciga ah’.

Maamulka Shiinaha ayaa ka shaqaynaya kiisas ka dhan ah musuqmaasuqa, oo khuseeya arrimaha kubbadda cagta ee dalkaasi. Bishii Janaayo, laba sarkaal oo hore oo FA-ga ka tirsan ayaa sidoo kale loo baaray isla sababaha hadda Chen loo xiray.

Bishii Maarso, laba sarkaal oo kale oo caan ah oo ka tirsan FA-ga Shiinaha – Wang Xiaoping, oo ah agaasimaha guddiga anshaxa FA-ga, iyo Huang Song, oo ah madaxa waaxda tartanka – ayaa sidoo kale lagu sameeyey baaritaan iyadoo lagu eedeeyey ‘xadgudubyo halis ah oo dhanka sharciga ah’.

 

MILAN, ITALY – NOVEMBER 06: FC Internazionale board member Liu Jun attends the Serie A match between FC Internazionale and FC Crotone at Stadio Giuseppe Meazza on November 6, 2016 in Milan, Italy. (Photo by Claudio Villa – Inter/FC Internazionale via Getty Images)

 

Hadalsame Media