Midowga Yurub oo malaayiin doollar meel u saaray hay’ad muhim ah oo ka tirsan DF Somalia (Hal arrin oo laga doonayo)

0

(Muqdisho) 29 Agoosto 2023 – Tallaabo ka tarjumaysa xiisaha sii kordhaya ee caalamiga ah ee dowladnimada Soomaaliya, Adam Smith International, oo ah hay’ad la-talineed oo taariikh wayn ku leh Soomaaliya, fadhigeeduna yahay London, ayaa waxay dhowaan la wareegtey qandaraas la-talineed ee waddankan Bariga Afrika.

Midowga Yurub, ayaa isagoo ku guda jira taageero joogta ah oo uu siinayo maamul wanaagga ee wadamada soo koraya, ayaa ku maalgelinaya hindisahan miisaaniyad dhan €5.3 milyan oo Yuuro. Muddo 36 bilood ah, iskaashigan ayaa waxa ay ujeedadiisu tahay in laga caawiyo Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka Soomaaliya sidii uu dib u habayn ugu samayn lahaa howlihiisa shaqo.

OAGS, oo uu hoggaamiyo Axmed Ciise Guutaale, waxa ay bilaabayaan socdaal ay ku dardargelinayaan hawlahooda shaqo iyo ballanqaadyada higsiga ah ee 2023-2027.

Howsha dheeraadka ah oo qandaraaskani ku salaysan yahay ayaa ah inay xoojiyaan dadaalka Guddiga Maamulka Maaliyadda (FGC), kaasoo la bilaabay 2014-kii, FGC waxa uu u adeegaa sidii madal halbowle u ah kobcinta wadahadal dhexmara maalgeliyayaasha caalamka iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ee doodaha ku saabsan maamulka maaliyadda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lama huraan ah in maanka lagu hayo sumcadda Soomaaliya ee caalamiga ah marka la eego dhanka maamulka maaliyadeed iyo daah-furnaanta.

Ilaa sannadkii hore, qaranka Somalia weli wuxuu la tacaalayey dib u qurxinta sumcaddiisa – Qiimaynta caalamiga ah ee Transparency International ayaa Soomaaliya ku qiimaysay dalka ugu hooseeya ee ugu musuq badan dunida.

Saamaynta qandaraasyada noocaan ah ayaa ah qaar aad u ballaaran, waxayna door muhim ah ka ciyaari doonaan dib-u-qaabaynta maamulka maaliyadda Soomaaliya, gaar ahaan marka wax lagu eegayo indhaha daneeyayaasha caalamka.

Waqtiga oo kaliya ayaase go’aamin doona waxtarka dib-u-habayntan iyo in Soomaaliya ay kasoo bixi karto salka iyo sagxadda hoose ee ay kaga jirto qiimaynta caalamiga ah ee dhanka musuqa.

Hadalsame Media