(Barcelona) 29 Agoosto 2023 – Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa ku dhaleeceeyey tababare Xavi inuusan kusoo bilaabin ciyaartooy ku filan dhanka xoojinta weerarka.
Lewandowski ayaa dhaliyey hal gool 3 kulan oo uu saftay ilaa haatan ololaha cusub ee blowday waxana uu dareemayaa in mararka qaar aanu helin adeegii uu u bartay.
35-jirkan ayaa sheegay in xaaladdu ay inta badan si wayn u hagaagto marka uu la ciyaaro laacibiin ay ka mid yihiin sidaFerran Torres iyo Ansu Fati oo inta badan lagu bilaabo kursiga kaydka.
Sida laga soo xigtey Mundo Deportivo, Lewandowski ayaa wuxuu yiri: ‘Waxaan nahay Barça, waxaa nalaga rabaana ma aha inaan badino kaliya, laakiin sidoo kale waa inaan ciyaarno kubad weerar ah oo wanaagsan.
“Waayadii dambe taasi may ahayn sidii la rabay, marka waxaan u dagaallamayney inaan fursado badan abuurno kulamada…Markaan aragno Ferran ama Ansu oo soo galay ciyaarta, labo ciyaaryahan oo horay u socda weerar ahaan, waxaan abuurnaa fursado badan. Mararka qaar kuma ciyaarno ciyaartooy ku filan weerarka, ma haysto taageero…marka waxaan raadiyaa xalka ugu fiican ee kooxda.” ayuu raaciyey isagoo u baaqaya Xavi.
Hadalsame Media