”Fadlan heeseheeyga ii dhaaf!” – Fannaan caan ah oo heesihiisa u diidey siyaasi u sharraxan madaxtinnimada Maraykanka (Daawo)

0

(Hadalsame) 29 Agoosto 2023 – Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga Jamhuuriga ee Vivek Ramaswamy ayaa ogaadey in jaceylka uu u qabo heesaha Eminem aan sida muuqata aan laga qadarin dhinaca fannaanka, maadaama fannaanku uu dalbaday in siyaasigan Maraykanka ee bilowga ihi uu joojiyo u isticmaalka muusikadiisa ee munaasabadaha ololaha doorashada.

Shirkadda shatiga muusiga ee BMI ayaa warqad joojin ah u dirtay qareenka ololaha Ramaswamy, taasoo kor u qaadaysa in tallaabo sharci ah lala tiigsado haddii uu sii wado inuu ololihiisa ka daaro muusigga Eminem. Warqadda, oo ku taariikhaysan Agoosto 23, balse uu hadda helay wargayska Daily Mail ee UK, ayaa lagu caddeeyey codsiga Eminem.

“BMI waxay war ka heshay Marshall B. Mathers III, oo loo yaqaan Eminem, kaasoo kasoo horjeeda ololaha Vivek Ramaswamy ee isticmaalka heesaha muusikada Eminem” islamrkaana waydiistey shirkadda BMI inay ninkan ka saarto dadka adeegsan kara heesihiisa, warqadda ayaa tiri.

Xiriirka Ramaswamy iyo muusigga Eminem ayaa soo caan baxay horraantii bishaan, mar uu musharraxu uu ka ololaynayey kulan uu ku qabtay Gobolka Iowa isagoo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Kim Reynolds.

Markii uu guddoomiyuhu waydiiyey inuu magacaabo heesta uu ugu jecel yahay, waxa uu si deg deg ah u doortay heesta Eminem ee Lose Yourself’. Muuqaal muujinaya 38-jirkan oo la raabaya heesta ayaa si wayn ugu faafay baraha bulshada.

Hadalsame Media