(Laascaanood) 29 Agoosto 2023 – Faysal Cabdi Bootaan, oo ah sarkaal ruugcadaa ah oo ka tirsan ciidamada Somaliland, taliyana u ah Guutada 12-aad ee ciidamada Maamulka Somaliland ayaa ka mid noqday maxaabiis lagu qabtay dagaalkii duleeedka Laascaanood. Waxaana deeto la geeyey guri caadi ah.
Yeelkeede, Bootaan ayaa markii dambe waxaa Sabtigii la dhigay xabsi caadi ah. ”Sababtii guriga loo geeyey waxay ahayd in lagu daweeyo maadaama uu dhaawac ahaa, maadaama uu dhaawacnaa.” ayuu yiri Maxamed Kaafi oo ka mid ah howlwadeenka aadka ugu dhow dhow SSC goobtana ku sugan, warkaasoo ay markii dambe ka marag kaceen Maamulka SSC.
Haddaba, Bootaan ayaa markii ugu horreeysey kasoo dhex hadaly Xabsiga Dhexe ee magaalada Laascaanood wuxuuna sheegay in aanu wax dhibaato ah qabin oo uu xitaa xabsiga ku booqday Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo horay u ahaa Guddoonka Aqalka Wakiillada Somaliland oo ah xil uu iskaga tegey intii uu socdey dagaalka lagu qabtay Bootaan.
”Waxba kama jiraan dacaayadaha sheegaya in la ila baxaya ama dad kale lala baxay ee sidaa hallugu calool fayoobaado ee dadka yaan la qamaaminnin.” ayuu yiri Bootaan.
Hadalsame Media