Dad badani ma oga qofka duulinayey diyaaraddii Roma keentay Lukaku + Sawirro

0

(Hadalsame) 29 Agoosto 2023 – Romelu Lukaku ayaa waxaa si toos ah London ilaa Roma galabnimadii Talaadada kasoo qaaday milkiilaha AS Roma ee Dan Friedkin, kaasoo haysta shatiga duuliyaha sidaa darteedna isagu wadey diyaaradda.

Waxaa ay diyaaradda gaarka ahi garoonka Ciampino ee Roma kasoo degtey 17.00 xilliga maxalliga ah, 16.00 dalka UK.

Roma iyo Chelsea ayaa heshiis ku gaarey amaah hal sano ah ilaa 30-ka Juun 2024 oo uu ku qaadanayo 5.8 milyan euro. Lukaku waxa uu dhimay mushaharkiisa Premier League oo ahaa 12m oo euro sannadkii.

Waxaa garoonka 15:00 sii joogey taageerayaal kor u dhaafaya ilaa 5,000 oo qof, kuwaasoo soo dhoweeyey laacibka oo caafimaadka durba maray islamarkaana qaatay lambarka 90-aad.

Halkan kasii arag sawirrada….

Hadalsame Media