DAAWO: Khilaafkii Goojacadde oo laga dhex dareemay Baarlamanka DF (Xildhibaanno ay ka dheerdheeraatay)

0

(Muqdisho) 29 Agoosto 2023 – Waxaa shalay ay dooddu ka dheedheeraatay xildhibaanno kala metelaya gobollada woqooyi iyo kuwa woqooyi bari ee Somalia kuwaasoo u kala doodayey waxa laga yeelayo dhamaystirka Dastuurka qabyada ah ee DF Somalia.

Xildhibaanno ay ka mid yihiin Maareeye & Qoowdhan ayaa isu jawaabayey, halka xildhibaanno kale ay iyaguna sidoo kale warar isku tuurayeen, iyadoo uu kulankani ahaa mid ay u dhamaayeen labada gole ee Baarlamanka dhexe.

Waxay dooddu markii dambe isu rogtey in haddii la ogolaado in Somaliland oo aan iman aan Dastuurka la dhamaystirin sidoo kale loo sameeyo Puntland iyo SSC, iyo sidoo kale diidmo ku saabsan inaan la isku waafaqsanayn xudduud ahaan dhulka ay xukunto ee sharciyan loo aqoonsan yahay Somaliland.

Beryihii dambe waxaa muuqanaysa in Baarlamanka, Wasaaradaha iyo xitaa madax kasii sarraysa ay caadaysanayeen in laga bayro jidkii xirfadlenimo iyo xeerintii danta guud ee ummadda, balse taa biddaalkeeda la kala difaaco reero iyo gobollo iyadoo lagu fadhiyo kursi qaran oo ay tahay inuu waxaa ka sarreeyo.

Hadalsame Media