Taageerayaasha Sucuudiga oo weerar kusoo qaaday laacibka Theo Hernández (Maxay ka rabaan?)

0

(Milano) 28 Agoosto 2023 – Waxaa beryahan soo xoogaysaneye warar xam xam ah oo sheegaya in kooxda Al Hilaal ee dalka Sucuudigu ay lacag badan ku doonayso dadabka bidix ee kooxda AC Milan, Theo Hernández.

Theo Hernández (25-jir), oo kabtan xigeen u ah kooxda Milan oo uu kulankii ugu dambeeye gool qurux badan u dhaliyey, ayaysan u badnayn inay iibiso kooxda oo uu isna sheegay inuu ku faraxsan yahay.

Yeelkeede, taasi kama hor istaagin taageerayaasha ay rajada badan gelisey lacagaha uu Sucuudigu farraqayo inay ku riyoodaan adeegga laacibkan Faransiiska ah.

Waxaa boggiisa Instagram ka socda faallooyin ka imanaya taageerayaasha Al Hilaal oo laacibka ugu baaqaya inuu kusoo biiro ”kooxda taariikhiga ah”, sida ay sheegeen.

”Theo imow kooxda ugu wanaagsan Aasiya,” ayuu mid soo qoray, halka uu mid kale sheegay inuu taariikh samaynayo haddii uu kooxda Sucuudiga ah kusoo biiro.

May be an image of 1 person, playing football, playing soccer and text that says 'COME TO ALHILAL You deserve to play in a historical team come to @alhilal ETTE Come to Al-Hilal You will make histroy with alhilal accept it come on to AL-hilal Alhilal Theo, come to the best club in Asia, the best club in Saudi Arabia, Al Hilal Club If you want tournaments, go to Al- Hilal SPAZIO MILAN'

Hadalsame Media