(Moscow) 28 Agoosto 2023 – Duqaymo gantaalo ah oo xala lagu miray ayaa burburiyey kayd rasaaseed aad u waynaa oo ay leeyihiin ciidamada Ukraine, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka xilli ay warbixin maalinle bixinaysey goor dhow.
“Weerar wadareed” oo ay gaysteen ciidamada badda Ruushka ayaa waxay fuliyeen duqayn masaafo fog oo uu shiishkeedu saxan yahay, sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda.
Waxa ay intaa ku dartay in bartilmaameedka la duqeeyey uu ku kaydsanaa hubka cirka sida gantaalo iyo saadka kale ee ciidamada, iyadoo aan faah faahin dheeraad ah bixin.
Milateriga Ukraine ayaa isna sheegay inay ogaadeen gantaalaha Kalibr ee Ruushku ay kasoo dhacayeen jihada Badda Madow subaxnimadii hore ee Isniintan.
Saacado kaddib Ciidanka Cirka ee Qaranka Ukraine ayaa sheegtay inay qabteen laba ka mid ah gantaalahan iyo sidoo kale laba gantaal oo ah nooca Kh-59 oo ay soo rideen diyaaradaha dagaalka ee Ruushku.
“Waxaa lagu dhuftay goob rayid oo ku taalla Gobolka Poltava.” ayaa lagu yiri bayaanka ciidanka Ukraine, iyadoo aan sharraxin arrinta.
Hadalsame Media