(Hadalsame) 28 Agoosto 2023 – Halyeeygii Kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa ku dhaleeceeyEy kooxdiisa inay si gaabis ah ku bilowdeen xilli ciyaareedka, wuxuuna ka digey inay guuldarro kasoo gaarayso Arsenal haddii aysan waxba is bedelin.
Kooxda Erik ten Hag ayaa si GEBI DHACLAYN ah ku bilowday xilli ciyaareedkan, iyagoo 1-0 kaga badiyay Wolves taasoo ay deeto haraysay guuldarro 2-0 ah oo kasoo gaartey Tottenham.
Kulankoodii ugu dambeeyeyna waxaa Man United laba gool kaga hormartay Nottingham Forest ciyaar ka dhacday Old Trafford Sabtigii.
Isagoo la hadlaya Sky Sports Premier League hilinkiisa YouTube Youtube ee ‘The Gary Neville Podcast’, Neville wuxuu ku dhaleeceeyey kooxdiisii hore oo uu ku sheegay inaysan ‘hab-qulqul isku xiran lahayn’ ciyaarteedu.
Waxa uu yiri: “Mar walba waxaad dareemaysaa inaysan lahayn hab-qulqul xiriir ah oo ciyaareed marka la joogo marxaladdan xilli ciyaareedka ama todobaadyada ugu horreeya horyaalka.
“Waxay la ciyaarayaan Arsenal kulan aad u xiiso badan, sababtoo ah Arsenal way ku sibxatay (10 ciyaaryahan oo Fulham ah).
“United, weli iyaga sidii la rabey waxba uguma socdaan. Waxay laba kulan oo adag oo ay marti yihiin la leeyihiin Tottenham iyo hadda Arsenal. Haddii ay badin waayaanna cadaadid ayaa fuulaya.” ayuu yiri daafacii hore ee United.
Hadalsame Media