”Ku dayda” – Dal Muslim ah oo soo dhoweeyey sharci ay Denmark soo waddo oo lagu mamnuucayo gubitaanka Qur’aanka (Ciqaab loo asteeyey?)

0

(Hadalsame) 28 Agoosto 2023 – Pakistan ayaa soo dhawaysey go’aanka Dowladda Denmark ay kusoo jeedisay hindise sharciyeedka sharci darro ka dhigaya in meel fagaare ah lagu gubo Qur’aanka Kariimka ah.

Falalka qadaasad xumaynta kitaabka Muslimka ayaa horseedday mudaaharaadyo iyo xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxaysa wadamada Woqooyiga Yurub iyo wadamada Muslimiinta u badan.

“Tani, waxaan aaminsanahay, inay tahay tallaabo loo qaaday jihada saxda ah,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ku sheegtay bayaan ay soo dhigtay website-keeda Sabtidii. “Pakistan waxay had iyo jeer ilaalisay in sharaf-dilka iyo gubista kutubta quduuska ah ay ka dhigan tahay fal xun oo nacayb diineed ah, kaas oo aan loo ogolayn iyada oo loo marayo hufnaanta xorriyadda hadalka, ra’yiga iyo mudaaharaadka.”

“Waxaan rajaynaynaa in tallaabada ay Denmark qaaday maanta ay ku dhamaato sharci wax ku ool ah si loo xakameeyo nijaasaynta Qur’aanka Kariimka ah iyo kutubta kale ee rabbaaniga ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Pakistan, iyadoo loogu baaqay wadamada kale inay raacaan dariiqa Denmark.

Horraantii toddobaadkan, Wasiirka Caddaaladda ee Denmark, Peter Hummelgaard, ayaa soo bandhigay qorshe lagaga hortagayo ceebaynta qoraallada diinta, iyadoo la ballaarinayo mamnuucidda hadda jirta ee khuseeysa in la gubo calamada dalalka shisheeye.

“Sharcigani wuxuu dhigayaa mid ciqaab mudan, tusaale ahaan, in meel maxfal ah oo fagaare ah lagu gubo Qur’aanka ama Baybalka.” ayuu yiri Hummelgaard.

Haddii la dhaqangeliyo, cabbirku waxa uu noqonayaa mid ka duwan mowqifkii hore ee dawladda Denmark ee ahaa in gubidda Qur’aanka loo ilaaliyo inay tahay ”xorriyadda hadalka.”

Sidu sheegay hadalka Hummelgaard, dembigan waxa lagu mutaysan doonaa ganaax lacageed iyo ilaa laba sano oo xarig ah. Sharciga ayaa si rasmi ah loo soo bandhigi doonaa Sebtembar 1 oo ay maalmo yari inaga xigaan, haddii Alle idmo.

Hadalsame Media