”Is diyaariya hadda ayaan bilaabaynaaye!” – Kooxda Wagner oo ku gooddisey inay aar gudanayso

0

(Moscow) 28 Agoosto 2023 – Madaxii kooxda calooshood u shaqaystayaasha ah ee Wagner GROUP ayaa la xaqiijiyey inuu dhintay kaddib markii diyaarad uu la socday ay ku burburtay gobolka Tver ee Ruushka.

Waxaa si wayn looga shakisan yahay inuu shil caadi ihi dhacay iyadoo ay soo baxayaan warbixino sheegaya in FSB – oo ah hay’adda sirdoon ee beddeshey KGB-kii hore ee Soofiyeedku – ay ka danbeeyeen waxa noqon kara toogasho caadi ah oo diyaaradda dhulka laga soo shiishay.

Waxaa loo malaynayaa in Putin isku dayayo inuu dumiyo kooxdan kaddib markii ay kasoo horjeesteen xukunkiisa bishii Juun oo ay isku dayeen afgembi maalin qaatay oo markii dambe si caqliyaysan loo furfuray.

Fiidiyow cusub, niman wejiyada soo duubtay ayaa waxay dhaheen: “Waxaa jira hadal badan hadda oo ku saabsan waxa kooxda Wagner ay samayn doonto. Waxaan kuu sheegi karnaa hal shay, hadda ayaan howlgalaynaa, noo diyaar garooba.”

Warar ka imanaya gudaha Ruushka ayaa sidoo kale sheegaya in saraakiisha kooxda laftooda lagu bilaabay ugaarsi.

Hadalsame Media