(Hadalsame) 28 Agoosto 2023 – Gabdhaha wax ka barta dalka Faransiiska ayaa laga mamnuuci doonaa xirashada cabaayadda laga bilaabo bisha soo aaddan ee Sebtembar, sida uu shalay ku dhawaaqay Wasiirka Waxbarashada, isagoo ku dooday in dharkaasi uu ka horimaanayo sharciyada waxbarashada cilmaaniga ah.
“Mar dambe suurtagal ma noqon doonto in la xirto cabaayad gudaha dugsiga,” Gabriel Attal ayaa sidaa u sheegay kanaalka TV-ga Faransiiska ee TF1.
“Cilmaaniyaddu waxay ka dhigan tahay xorriyadda dugsiga. Xirashada dharka Islaamka ee fasalkuna waxay wiiqaysaa in dugsigu ahaado “goob cilmaani ah,” ayuu Wasiirku ku dooday.
Arrintan ayaa in muddo ah laga doodayey gudaha dalka Faransiiska, iyadoo doodda xirashada cabayaayadda ee iskuulladu ay sababtay xiisad u dhexeysa macallimiinta iyo waalidiinta.
Sharci Faransiisku soo saaray 2004 waxa uu mamnuucayaa dharka “si cad u muujinaya xiriir diimeed” oo dugsiyada loo qaato, sida madax daboolka Islaamka, kippahyada Yuhuuda, iyo iskutallaabyada waawayn ee Masiixiga.
Mamnuuciddani waxay heshay falcelin isku dhafan. Eric Ciotti, hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Les Republicains (JAMHUURIYIINTA), ayaa soo dhoweeyey tillaabadan. “Waxaan si isdaba joog ah ugu yeerayney mamnuucida cabaayadaha ee dugsiyadeenna,” ayuu kusoo qoray X (ex Twitter).
Siyaasiyiinta garabka bidix ayaase xeerkan ku tilmaamay “Islaam nacayb.” Clementine Autain, oo ah xildhibaanad ka tirsan xisbiga La France Insoumise (France aan hogan), ayaa ku tilmaantay “mid aan dastuuri ahayn,” iyo calaamad muujinaysa “diidmada aadka u daran ee ka dhanka ah Muslimiinta.”
Hadalsame Media