(Hadalsame) 28 Agoosto 2023 – Aargoosiga iyo isla-wayninka siyaasadeed; Maxamad Yuunis waa khabiir dhaqaale caalami ah oo dalka Bangaaladeesh u dhashay, wuxuu ka mid yahay 7da qof ee dunida isku helay abaalmarinta caanka ah ee Nobel Prize, billadda dahabka ah ee Koongareeska Marayanka iyo billadda xorriyadda ee uu Madaxweynaha Maraykanka bixiyo.
Wuxuu ku mutaystay curinta fikirka amaahda danyarta (microcredit loans) taasoo sabab u noqotay in malyuumaad haween sabool ah oo reer Bangaladheesh ah faqriga kaga baxaan, fikraddiisana ay caan baxdo oo dunida inteeda kale ku faafto.
Maxamad waxaa haatan ku socota Maxkamad, waxaa lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo wax is daba maris. Afartan ruux oo dunida caan ka ah oo ay ku jiraan xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon iyo Wasiiraddii hore ee arrimaha dibadda Maraykabka Hilary Clinton ayaa warqad furan u diray Sheekh Xasiina oo ah Raysalwasaaraha dalka Baangaladeesh oo ay kaga codsanayaan in bursiga iyo baacsiga ka dayso Maxamad. Waxaa qoraal taageero ku sii xoojiyey Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama.
Sheekh Xasiina waa haweeney awood badan oo 20 sano haysata xukunka Bangaladesh, waxa ay Mr Yuunus ku sifaysay in uu yahay dhiigmiirad xoolaha masaakiinta dulsaar iyo is daba maris kaga naaxay, waxay tiri mar ay meel fagaare ah ka hadlaysay:
“Wuxuu istaahilaa in webiga Padma biyihiisa lagu rido oo la tiimbiyo ilaa markii ay nafta dayn rabto laga soo saaro”.
Sheekhad Xasiina aabaheed Sheekh Majiibu Rahmaan iyo qoyskiisa oo dhan waxaa lagu dilay afganbi uu ciidanka Bangalaadeesh talada dalka ku qabsaday sanadkii 1975.
Waxaa la sheegaa in dhibkii ku dhacay qoyskeeda uu u abuuray la duubnaan iyo taageero caadhifad huwan oo ay shacabka Bangaladesh u hayaan, taa bedelkeedana ay Sheekhadu is lahaysiisay dadka iyo dalka Bangaladesh, iyadoo sarifanaysa halgankii aabaheed.
Dagaalka ay ku qaaday Maxamad Yuunis ayaa lagu macneeyey “Iska dhex arag” la leeyahay waxay dhibsatay in uu ka magac waynyahay oo dal iyo dibadba isga laga hadal hayo, halkii iyada laga sheegi lahaa.
Waxay horay kaga qaadday guddoomiyaha Grameen Bank ee isagu aasaasay, haatan waxaa la sheegay in ay duullaan ku tahay shirkada Isgaarsiinta ee Grameenphone iyo hay’adda samafal ee Yonis Foundation.
Yuunis ma aha siyaasi, siyaasaddana kuma lug laha, laakiin waxaa jirtay in sanadkii 2007, mar ay ciidanka talada waqti kooban la wareegeen xabsigana dhigeen Sheekhad Xasiina iyo haweenaydii ay is hayeen ee Sheekhad Khaalida uu ciidanku go’aansaday in labada haweeney siyaasadda ka saaraan laguna beddelo Maxamad Yuunis.
Maxamad Yuunis fikraddaas wuu taageeray, laakiin wuxuu soo jeediyey in Raysalwasaare laga dhigo guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe oo ay saaxiib ahaayeen Fakhruddin Ahmed. Yuunis wuxuu furtay Xisbi, laakiin durbadiiba burburay, wuxuuna ogaaday in nin siyaasad ku fiican uusan ahayn, wuuna isaga baxay.
Sheekhad Xasiina waxay aamisan tahay in Yuunis ka danbeeyey shirqoolkii afganbiga iyo in siyaasadda laga saaro, welina uu xukunka damac kaga jiro.
Laakiin dadka siyaasadda Bangaladesh falanqeeya waxay isku raacsan yihiin in Yuunis oo haatan 83 jir ah siyaasad uusan damac ka yeelan karin, laakiin Sheekhada Xasiina uu ku dhacay cudur madax badan hela oo la yiraa “waalida isla waynida”, iyo ka aargudasho ciil ay Yoonis u qabto.
Calaamadaha cudurkaas lagu garto ayey culimada cilmiga nafsada derista ku sheegeen in ay ka mid tahay in madaxdu dhibsayaan libinta la siinayo cid aan iyaga ahayn, in ay nacaan qof kasta oo iyaga ahayn oo ay bulshadu magac hayso ama sumcaddiisa la sheegsheegayo.
Cudurkaas ayey ku tilmaameen in la yiraahdo Waalida isla waynida (Megalomania, جنون العظمة” , markii uu aargoosi la socdana waa ka sii daran.
W; Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Hadalsame Media