Xaaska Messi oo laacib kale oo ay isaga ku khaldayso hab siisay balse kaddib is qabatay (Daawo)

0

(Hadalsame) 27 Agoosto 2023 – Waxaa jira malaayiin dad ah oo jeclaan lahaa inay noqdaan Lionel Messi xitaa daqiiqad qura – waxayna u muuqataa in saaxiibkiis Jordi Alba uu taas u sameeyey qaab kaftan ah.

Kaddib wax u muuqda guushii Inter Miami ee Leagues Cup vs. Nashville, xaaska Messi ee Antonela Roccuzzo ayaa u tagtay si ay ugu hambalyayso oo hab u siiso ninkeeda oo  dhunko, balse waxay ogaatey daqiiqaddii ugu dambeeyey.

Dhab ahaantii waxa uu ahaa Alba, taasoo ay gabadhu xaqiiqsatay markii labadooda madax isu soo dhowaadeen, kahor intaysan waxba dhicin ayayna iska fujisay markii ay aragtay inuu ahaa saaxiibkii hore ee Messi ee kooxda Barcelona.

Alba ayaa bishii hore uun ku biiray Herons, wuxuuna dib ula midoobey Messi iyo halyeeyga kale ee reer Catalan ee Sergio Busquets.

Lama yaqaan sababta ay xaaska Messi markii hore Alba ugu malaysay inuu MESSI yahay maadaama uu kasoo hor baxay oo uu soo eegayey.

Hadalsame Media