Laba ajende oo ugu muhiimsan Shirka Maamullada uga socda Dhuusamareeb (Gurmad berri gaaraya Ceelbuur)

0

(Dhuusamareeb) 27 Agoosto 2023Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug waxaa ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay isugu yimaadeen madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Waxyaabaha shirkan looga hadlaayo waxaa ka mid ah dagaalka ka dhan ah Alshabab iyo waxaa laga yeelayo degaannada laga xoreeyo Al Shabaab.

Madaxwayne Xigeenka Galmudug, Cali Ciid, ayaa uga shirkan warramay VOA Somali ayaa sheegay inay ajendayaasha ka mid yihiin:

1 – La dagaallanka kooxda Shabaab oo dhulal badan laga qabsaday.

2 – Xasilinta, nidaam u samaynta iyo caawinta dadka ku sugan dhulalka kooxdan laga qabsado.

Wuxuu intaa raaciyey inay doonayaan in la hanto goobaha cusub ee laga xoreeyey oo ay Ceelbuur ugu dambayso, taasoo uu sheegay in berri la gaarsiinayo gargaarkii ugu horreeyey.

Hadalsame Media