XOG: Maraykanka oo sanadka cusub si wayn u dhimaya hubka uu Ukraine siiyo + Sababta

0

(Washington) 26 Agoosto 2023 – Maraykanku uma badna inuu Ukraine siiyo “hub tiro ahaan u dhow heerka midkii uu siinayey” marka la eego gargaarka millateri ee sanadka 2024 oo la barbar dhigo sanadkan, sida uu qabo Wall Street Journal, isagoo soo xiganaya saraakiil ku sugan Washington.

Dhanka kale, Madaxwayne Joe Biden iyo maamulkiisa ayaa ku adkaysanaya inay sii wadi doonaan inay Kiev ku taageeraan ilaa dhamaadka.

Maraykanka ayaa hub qiimihiisu ka badan yahay 43 bilyan oo doollar siiyey dalka Ukraine tan iyo markii uu weerarka millateri ee Ruushku billowday sannadkii hore.

Dokumentiyada Pentagon-ka ee la faafiyey ayaa muujinaya in dalalka NATO ay tababareen oo ay qalabeeyeen sagaal guuto oo Yukreeniyaan ah si ay uga qaybqaataan weerarrada rogaal-celiska ah ee ka dhanka ah ciidamada Ruushka ee socda.

Jeer millateriga Yukreeniyaanku ku guuldarraystay inay jiiraan difaacyada Ruushka kaddib ku dhowaad ​​saddex bilood oo dagaal ah, qorsheeyayaasha millateriga Maraykanku waxay kula talinayaan dhiggooda Ukraine inay socdaan tababarka ay NATO siisay oo ay u adeegsadaan qaab wax ku ool ah, sida uu qoray wargayska Wall Street Journal.

“Talada Maraykanku waxay ku salaysan tahay xisaabinta in qalabka badan ee Maraykanku u diray Ukraine … uu ku filan yahay weerarkan iyadoo aanay u badnayn in lagu celiyo bixinta wax u dhow hubkii horay loo siiyey marka la gaaro 2024.” ayuu yiri wargaysku.

Hadalsame Media