Taliye Faysal Bootaan oo lagasoo saaray gurigii lagu hayey & Halka la geeyey

0

(Hadalsame) 26 Agoosto 2023Faysal Cabdi Bootaan, oo ah sarkaal ruugcadaa ah oo ka tirsan ciidamada Somaliland, taliyana u ah Guutada 12-aad ee ciidamada Maamulka Somaliland ayaa shalay ka mid ahaa maxaabiis lagu qabtay dagaalkii duleeedka Laascaanood.

Bootaan oo ay ciidamadiisa badankood ku sugnaayeen xerada Goojacadde ee duleedka magaalada Laascaanood oo ahayd taliska ugu wayn ee ay Somaliland ku lahayd guud ahaan Gobolka Sool ayay shalay cagta mariyeen ciidanka Maamulka SSC, kaddib dagaal culus oo 03:00 halkaa lagu qaaday.

Waxaa shalay la tusay warbaahinta waxaana markii dambe la geeyey guri caadi ah oo uu kula kulmay qaar ka mid ah madaxda maamulka SSC.

Yeelkeede, xogah haatan naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa tibaaxaya in Bootaan xabsi caadi ah la dhigay oo haatan lagasoo saaray gurigii lagu hayey.

”Sababtii guriga loo geeyey waxay ahayd in lagu daweeyo maadaama uu dhaawac ahaa, maadaama uu dhaawacnaa.” ayuu yiri Maxamed Kaafi oo ka mid ah howlwadeenka aadka ugu dhow dhow SSC goobtana ku sugan.

Hadalsame Media