
(Hadalsame) 26 Agoosto 2023 – Inta lagu jiro Sabtigan maanta, qaybo badan oo dalka Sweden ka mid ah ayaa u muuqda inay saameeynayaa roobab mahiigaan ah, iyada oo ay jirto khatar daadad ah, sida lagu sheegay saadaasha ugu dambaysa ee Hay’adda Saadaasha Hawada ee SMHI.
Hay’adda Cimilada ayaa digniin jaale ah kasoo saartay roobab mahiigaan ah oo ka da’aya gobollada Svealand, Östra Svealand, konfurta Norrland, Götaland, Västernorrland iyo Hälsingland, sida ay sheegtay Katarina Andersson, oo ku takhasustay saadaasha hawada kana tirsan SMHI.
Katarina Andersson waxay sheegtay in dhumucda roobkani uu u dhaxayn karo min 10 ilaa 40 cm meelaha qaarna uu keeni karo daadad jara jidadka.
Ugu horrayn waxa la filayaa inay roobabku bilowga saameeyaan gobollada la isku yiraahdo Götaland, kaddibna bartamaha Sabtiga maanta qaybo ka mid ah Svealand.
Hay’adda SMHI ayaa sidoo kale digniino oronjo ah kasoo saartay meelo badan, oo u dhow harooyinka iyo meelaha biyo mareenka ah, taasoo macnaheedu yahay inuu di’i karo roob aad u badan waxaana meelahaa ka mid ah Hjälmaren iyo Eskilstunaån, qaybo ka mid ah Dalälven, Siljan iyo Orsasjön.
Hadalsame Media