(Riyaad) 26 Agoosto 2023 – Laacibiinta Cristiano Ronaldo iyo Sadio Mane ayaa xalay bandhig la yaab leh ka sameeyey kooxda Al-Nassr si ay u helaan guushoodii ugu horreeysey ee Horyaalka Sucuudiga ee Pro League xilli ciyaareedkan.
Labada ciyaaryahan ayay labadooduba dhaliyeen min labo gool si ay kooxdoodu uga tab roonaato kooxda kaalinta 9-aad ku jirta ee Al-Fateh oo ay 5-0 direen iyagoo marti ah.
Waxay ahayd natiijadii ay Al-Nassr u baahnayd, jeer labadii kulan ee furitaanka horyaalka ay guuldarro kasoo gaartey kooxda Steven Gerrard ee Al-Ettifaq oo 2-1 dirtay iyo Al-Taawon 2-0 ku dubatey.
Labada xiddig ayaa bilowgii isku dhufsaday goolka furitaanka, iyadoo Ronaldo uu kubad cirib ahayd ku khiyaaneeyey difaaca si uu u helo Mane oo xawaare ku socdey kaasoo si xarrago leh gees uga dhigay goolwalaha wuxuuna deeto ku dabaaldegey qaabkii SIUUU ee Ronaldo.
WHAT AN ASSIST FROM RONALDO WOW
Finished off by Mane. Great duo
— Janty (@CFC_Janty) August 25, 2023
MANE WITH RONALDO’S SIUUU CELEBRATION. 😍😂pic.twitter.com/Ck8lemyWXH
— The CR7 Timeline. (@TimelineCR7) August 25, 2023
‘Hadalsame Media