Maxay tahay sababta Bootaan looga soo saaray gurigii lagu hayey? Tirada maxaabiista la hayo & Waxa laga damacsan yahay

0

(Hadalsame) 26 Agoosto 2023 – Faysal Cabdi Bootaan, oo ah sarkaal ruugcadaa ah oo ka tirsan ciidamada Somaliland, taliyana u ah Guutada 12-aad ee ciidamada Maamulka Somaliland ayaa shalay ka mid ahaa maxaabiis lagu qabtay dagaalkii duleeedka Laascaanood. Waxaana deeto la geeyey guri caadi ah.

Yeelkeede, xogah haatan naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa tibaaxaya in Bootaan xabsi caadi ah la dhigay oo haatan lagasoo saaray gurigii lagu hayey.

”Sababtii guriga loo geeyey waxay ahayd in lagu daweeyo maadaama uu dhaawac ahaa, maadaama uu dhaawacnaa.” ayuu yiri Maxamed Kaafi oo ka mid ah howlwadeenka aadka ugu dhow dhow SSC goobtana ku sugan.

MAXAA RUNTII IS BEDELEY? Warar aannu ka heleeyno dad xog ogaal ah oo ku sugan xayndaabyada go’aan qaadashada ee Maamulka SSC ee haatan ka arrimiya Laascaanood, ayaa Hadalsame Media u sheegay in sababta guriga looga saaray ay runtii tahay kaddib markii ay cabasho ka timid dad wax ka tirsanaya Taliye Bootaan oo ka gows adaygay in la ”ninkan koolkooliyo”, sida ay ilahaasi noo sheegeen.

”Maadaama uu ka mid yahay maxaabiis dagaal lagu qabtay waxaa la marsiinaya xeerarka maxaabiista dagaalka, weliba waxaa isaga loo haystaa dembiyo dagaal.” ayay ishaasi Hadalsame u sheegtay.

TIRADA MAXAABIISTA – Waloow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin waxay ilaha qaar sheegayan in la hayo ilaa 262 maxbuus oo shalay uun la qabtay, waxaana uu qorshuhu yahay in la hayo oo lagu bedesho maxaabiis ilaa 50 gaaraysa oo laga hayo SSC.

”Kolleey sidaan is leeyahay arrintan waxaa geli doonta Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah ee ICRC, balse cidna la iska sii dayn maayo inta uu ka dhacayo heshiis wax is dhaafsi, waayo iyaguba waxay hayaan rag uu ku jiro Xildhibaan Puntland ahaa.” ayuu qof ku dhow dhow SSC u sheegay Hadalsame oo waydiiyey bal in lasii dayn karo askarta heerka hoose ah sida dablayaasha IWM.

Hadalsame Media