(Hadalsame) 26 Agoosto 2023 – Nin naagi waddo iyo rati rati wado midna kaama leexdo ayaan maqli jiray.
Baroortii Fahiima Quuje ayaa shimbirihii Asxaabu Fiil ku noqotay nimankii Goojacadde fadhiyay. Dabcan baroortaa Fahiima xaq bay ahayd ay darxumada dadkeedu ka keentay.
Kaftankaa iyo faalladaaa marka laga yimaado hadda maxaa Somaliland u dan ah?
Marka guuldarro noocan ahi ku dhacdo dawlad labo middood baa dhacda:
1. Hoggaankii dawladdaasi baa iscasila ama la casilaa dabadeedna waxaa la dhayaa boogihii iyo haarihii iyo eelkii uu hoggaankaasi gaystay. Ama,
2. Haddii hoggaankaasi iscasili waayo ama dadkiisu casili waayaan waxaa dhaca musiibo tii hore ka wayn: dagaallo sokeeye, macluul, iyo kala tag. Sidii Soomaaliya ka dhacday markii ay ku guuldarraystay dagaalkii 77.
Haddii qolada guuldarraysatay aysan dawlad ahayn ee qabiil tahay labo middood baa dhacda:
1. In qabiilku isku dhaarsado aarsi iyo weerarcelin ay waxii hore isaga mayrayaan. Aalaaba sida dhacda, taladan waxaa ka dhasha ciribxumo baahsan oo dad iyo duunyaba lagu marto muddo dheerna laga soo waaqsan waayo. Ama,
2. Hoggaanka qabiil ayaa taliya ayaga oo ka fekeraya danta guud ee timaaddada fog ah. Waxaa damqa da’yarta boqollaalka ama kumannaanka ah ee dagaalladii hore ku dhintay, kuwa ku curyaamay, agoomaha, iyo darxumooyinka kale ee dagaalladu leeyihiin, labada dhinac ee dagaallamayba. Waxa ay gartaan in dagaal sokeeye uusan marnaba gobonnimo keenin balse uu gobonnimada iyo karaamada fogeeyo. Markaa ayay duqowda qabiilku ku taliyaan in ay hal dagaal iyo mar oo gunnimo ah qaataan oo aysan dagaal dambe abaabulin.
Waxa aan rejaynayaa waxgaradka Somaliland in ay ama ayaga oo dawlad ah qodobka 1aad qaataan ama ayaga oo qabiil ah talada 4aad qaataan.
Waxa kale oo aan Ilaahay ka baryayaa in dagaalka Laascaanood iyo kan Shabaab lagu la jiraa noqdaan kuwii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaaliyeed ka dhaca, hadda ka dib na Soomaalidu ujeesan doonto samaysashada nolol u qalanta oo ay dayaca iyo darxumada kaga baxaan.
W; Q: Cali M Diini
Hadalsame Media