”Xusuusta kulamadii kooxahan” – Guardiola oo laba kooxood oo uu soo garaacay tusaale uga dhigay dhiirrigelinta kooxdiisa + Magacyada kooxahaas (Daawo)

0

(Manchester) 25 Agoosto 2023 – Kooxda Manchester City ayaa soo bandhigtay muuqaalka Pep Guardiola oo si xamaasad leh waqtigii nasashada ciyaartooydiisa ula hadlaya kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Newcastle Sabtigii.

City ayaa ilaashatay rikoorkeeda boqolkiiba 100 laakiin markii ay martay kooxda Eddie Howe, iyadoo Julian Alvarez uu qaybtii hore ee ciyaarta dhaliyey goolka kaliya ee ciyaarta.

Laakiin inkastoo ay hoggaanka hayeen xiliigii nasashada, Guardiola wuxuu doonayey inuu xasuusiyo ciyaartooydiisa guulihii ay gaareen kulamadii adkaa ee xilli ciyaareedkii hore.

Vlog daaha gadaashiisa ah oo ay kooxdiisu soo bandhigtay, waxa uu farta ku fiiqay sawirka guushoodii Champions League xilli ciyaareedkii hore isagoo yiri: ‘Ma aragtaan sawiradan halkan gadaashayda ah suran? Aad ayaan u xooganahay halkan.

“[Manchester United, Inter [Milan], waan ogayn waxa ay tahay inaan samayno. Waa ciyaartii labaad halkan. Sii wada inaad ciyaartaaan.’

Waxa uu ka hadlayey labadii final ee City xilli ciyaareedkii hore oo ay ku kala qaadeen FA Cup-ka markii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda ay isku magaalada yihiin ee Man United kahor intaysan qaadin UCL oo lagu dhigay Istanbul toddobaad kaddib.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media