Maamulka SSC oo sheegay inay qabsadeen saldhigga Goojacadde (Hal arrin oo fududaysay in la qabsado taliskaasi)

0

(Manchester) 25 Agoosto 2023 – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dagaalkii maanta dib uga bilowday magaalada Laascaanood, kaasoo u dhaxeeyey ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegtay inay saaka aroortii qabsadeen saldhiggii ugu waynaa ee ay Somaliland ku lahayd gobolka Sool oo ah halka lagu magacaabo Goojacadde.

“Waxaanu hadda taagan nahay Goojacadde, Alle saaka waana guuleeyey, nimankiina waa carareen Goodi ayay sii socdaan, hada halkan aynu taaganahay waa taliskoodii ugu waynaa ee ay degaannada SSC ku lahaayeen.” ayuu yiri mid ka mid ah ragga hoggaaminayey ciidanka SSC.

Xiriir aannu la samaynay dad goobjoog ah ayaa noo sheegay in sababta guusha keentay ay ahayd in la nidaamiyey malliishiyaadkii ku sugnaa aagga Laascaanood oo aan markii hore lahayn talis dhexe oo ay ka amar qaataan.

Qorshuhu wuxuu ahaa in duulllaanka la qaado shalay aroortii, balse sabab ka xiriirta xeelad dagaal ayaa dib loogu dhigay, waxaana duullaanka markii dambe la qaaday saaka 3:00 subaxnimo inta aan waagu baryin, taasoo kadisey ciidankii difaacayey aagga Goojacadde.

Waxaa ay ciidamada SSC soo bandhigeen maxaabiis la sheegay in laga qabtay Maamulka Somaliland & gaadiid ciidan oo kala duwan, balse Somaliland ayaan weli wax war ah kasoo saarin arrintan.

Hadalsame Media