(Moscow) 25 Agoosto 2023 – Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa markii ugu horreeysey ka hadlay ”shilkii diyaaradeed” ee Arbacadii ka dhacay daafaha magaalada Moscow, ku dhowaad 24 saacadood kaddib shilka.
Waxa uu tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay shilkaasi isagoo sheegay inuu ”khaladaad galay” hoggaamiyaha kooxda Wagner ee Yevgeny Prigozhin, oo ku qornaa liiska rakaabkii diyaaradda ku dhintay.
Waa tan tarjumaadda ay Wakaaladda Wararka ee Reuters ka qortay waxa uu Putin yiri:
“Marka hore waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro dhammaan qoysaska dhibanayaasha.
“Mar walba waa musiibo. Runtii, haddii ciidanka shirkadda Wagner ay halkaas ku jireen, xogta hordhaca ahina waxay tilmaamaysaa inay ku jireen, waxaan jeclaan lahaa inaan farta ku godo in dadkani ay gacan wayn ka gaysteen qadiyadeenna guud ee la dagaallanka nidaamka Nazi-ga cusub ee Ukraine, waan xasuusannahay taas, oo ma ilaawi doonno.
“Waxaan aqaanney Prigozhin muddo aad u dheer, tan iyo bilowgii 90-meeyadii. Waxa uu ahaa nin nasiibkiisu adag yahay, oo khaladaad waawayn ka galay nolosha. Wuxuuna ku dadaalay wixii uu naftiisa ugu baahnaa. Waxa uu ahaa qof karti leh, ganacsade karti leh, ma aha in uu ka soo shaqeeyey waddankeena oo keliya, waxaa uu sidoo kale kasoo shaqeeyey dibadda, Afrika, gaar ahaan. Waxa uu ku lug lahaa ganacsiga saliidda, gaaska, macdanta iyo dhagxaanta qaaliga ah.
“Sida aan ogahay, waxa uu hadda uun kasoo noqday Afrika. Waxa uu halkan kula kulmay qaar ka mid ah masuuliyiinta. Laakiin madaxa Guddiga Baarista ayaa saaka ii soo sheegay inay durba bilaabeen baaritaan horudhac ah oo ku saabsan dhacdadan.
“Aan aragno waxay baarayaashu sheegaan mustaqbalka dhow. Imminkana waxa la samaynayaa baaritaano ay khubaro fulinayso, baaritaano farsamo iyo kuwo hidde-sidaha. Waxay qaadanaysaa xoogaa waqti ah.” ayuu kusoo afjaray MW Ruushku.
Hadalka Putin ee ah inuu hoggaankii Wagner khalad galay ayaa loo fasiran karaa inuu si dadban u sheegayo inuu ka aarsaday maadaama uu bishii Juun holliyey afgembi ka dhan ahaa, balse waxay dad badani la yaabeen sida sahalka ahayd ee uu isu dhigtay, waxaana la fahamsan yahay inay Putin ninkan qoorta u sureen jeneraallo isaga ka waayo aragsan oo ay is hayeen, sida Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga.