BRICS oo doonaya inay u baas baxaan fursad uu Maraykanku kaligii dunida ku haystey

0

(Hadalsame) 25 Agoosto 2023 – Ururka BRICS dunida isbeddel ma ku samayn doonaa?

Braasiil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha iyo K. Afrika ayaa sannadkii 2009 wada aasaasay ururka BRICS oo magaciisu ka kooban yahay xarfaha u horreeya magacyadooda. Ujeeddadu waa in dalalkaasi ka xoroobaan hannaanka dhaqaale ee maanta dunida ka jira kaas oo ay reer Galbeedka siiba Maraykanku samaystay kuna adeegtaan. U gu horrayn ficiltankani wax uu ka yimid Ruushka iyo Shiinaha oo aydoolojiyad ahaan iyo xaddaarad ahaanba qabkoodu u diidayo in ay u jabaan ama hoos joogaan heymanada Maraykanka iyo dhaqandhaqaalaha Galbeedka.

Sida la og yahay markii Dagaalkii Labaad socday iyo dhammaadkiisii waxaa soo mudhay quwadda Maraykanka oo dunida ku cusbayd, taas oo noqotay cudud farsamo, dhaqaale, ciidan iyo aqooneed oo ilaa maanta la loodin waayay. Burburkii iyo dambaskii dagaalkaas ayuu Maraykanku ka dhex abuuray nadaam caalami ah oo uu isagu hindisay, isagu is ku cabbiray, sayidna ka yahay dhan walba. Wax uu aabbe u noqday ururka Qarammada Midoobay oo markaa loo dhisay ka hortagga dagaal dambe.

Wax uu lacag aan xaddi lahayn ku maalgeliyay dibudhiska Yurubtii duntay dabadeed suuq ganacsi iyo xulafo ka dhigtay. Wax uu unkay gaashaanbuur millateriga oo isagu hoggaamiyo. Wax uu dajiyay hannaan dhaqaale iyo ganacsiga oo dunida oo dhan ku xidhaya Dollarkiisa. Taa ka sokow Maraykanka iyo xulafadiisu wax ay gacanta ku dhigeen amaba ku hayeen inta badan ilaha khayraadka dunida, gaar ahaan macdanaha iyo shidaalka.

Ta u gu daran ee Maraykanku dunida ku addoonsaday wax ay ahayd warqadda Dollarka ee madbacadihiisu soo daabacaan. Asal ahaan Dollarku wax uu la qiimi ahaa qaddar dahab ah oo u dhigma, oo tusaale ahaan haddii aad haysato hal Dollar wax aad lahayd dahab u dhigma oo bangiga Maraykanka kuu yaalla oo marka aad doontid ku soo beddelan kartid. Taas baa Dollarka siisay in la aammino oo wax la gu ka la gato lana kaydsado.

Laakiin horraantii sannadihii 1970-nadii Maraykanku wax uu keenay siyaasad lacageed oo budhcadnimo ah, taas oo ah in aan Dollarku yeelan wax qiimi ah oo loo eego, dahab iyo wax kale toonna. “In aan ahay quwad dhaqaale iyo awood millateri oo keliya darteed lacagtayda ha la aammino oo keligeed dunidu wax ha ku ka la iibsato” ayay noqotay xaqiiqadu. Dunidu markaa Dollarka ayay wada qabatintay oo cid walba dhaqaalaheeda iyo ganacsigeedu ku jiray, wax kale oo la is ku aamminana la ma garanayn, sidaa darteed waa la qaayibay. Maraykankuna isaga oo gunnimada dunidu gashay ka faa’iidaysanaya Dollarkiisii wax uu u soo saaray sida waraaqaha musqusha warshaddu u soo saarto.

Dalalka itaalka daran ee Afrika u gu horrayso, oo aan lahayn dawlado tayo leh, wax ay noqdeen baylah khayraadka ay hodanka ku yihiin reer Galbeed bililiqaystaan oo warshadahooda gashadaan, halka dadyowgii la bililiqaystay galeen dagaallo, gaajo, silic iyo dawlad la’aan.

Dagaalkii Labaad ka dib Ruushku (Soofiyad) wax uu samaystay gaashaanbuurtii Waarso oo ka koobnayd Bariga Yurub, taas oo uu doonayay in uu ku caabbiyo ta Maraykanka. Loollan adag oo labada qolo ka dhex socday in ka badan 40 sano, u gu dambayn xulafadii Ruushka ayaa la ga adkaaday iyada oo aan xabbad la gu ridin. Waxaa loo ga adkaaday habkii siyaasad iyo dhaqaale ee ay raaceen oo is bixin waayay. Xorriyad la’aantii iyo cabbudhintii aragtida qofka ee reer Barigu ku dhaqmeen waxaa ka dhaldhalaal badatay liberaaliyaddii Galbeedka oo ay dhankeeda dadku u yaaceen. Dhaqaalihii hantiwadaagga ee wax walba dawladdu lahayd ee Shuuciga waxaa ka horumar iyo barwaaqo batay lahaanshaha gaarka ah iyo tartanka suuqa xorta ah ee hantigoosiga Galbeed.

Arrimahaa iskuduubnidoodu Maraykanka iyo xulafadiisa wax ay siiyeen in ay iyagu waxsoosaarkooda dunida ku soo afrogaan iyaga oo lacagtooda wax ka ga beddelanaya cid walba cid kalena aan lacagteeda qaadan iyo in ay dalalka kale iyagu wax la sheegi karo ka soo iibsan. Dabadeed ganacsigii iyo waxsoosaarkii kooda uun buu noqday, dunidii kalena suuq bay noqotay, sidaas bay irsaaqdii dunida oo dhan ku fuuqsadeen.

Haddaba sida aynnu sheegnay ururka BRICS waa iskuday ah in wax la is ka caabbiyo. Dawladaha itaalka yari ku ma dhiirran karaan in ay qaadaan tallaabo caynkan ah oo Maraykanka la ga ga xoroobayo, oo waxaaba la sheegaa Kornayl Qaddaafi wax uu eeday in ay tahay isaga oo doonayay in uu sameego lacag dahab ah oo Afrika ka dhaxaysa oo ay dunida ku la ganacsadaan Dollarkana ka ga xoroobaan. Laakiin sidii aynnu xusnay dadaalkan waxaa wada Ruushka iyo Shiinaha oo leh awood iyo kudhac.

Ururkan shirkiisii 15-aad oo shalay ku dhammaaday dalka K.Afrika waxaa ka soo baxay go’aan aad u weyn oo ah in lix dal oo cusub loo oggolaaday in ay ku soo biiraan. Lixdaa dal oo ka mid ahaa ilaa 40 waddan oo ururka soo dalbaday wax ay ka la yihiin Arjantiin, Eeraan, Masar, Itoobbiya, Sacuudiga iyo Imaaraadka, iyada oo la hubo in dalal kalena la gu soo dari doono mustaqbalka dhow. Mar kasta oo ay bataan dawladaha xubnaha ka ah ururkan iyo tirada bulshooyinkoodu, waa mar kasta oo ay suuragal tahay in ujeeddadiisu guulaysato. Waayo u gu horrayn danta ay u socdaan waa in ay abuuraan ganacsi dhexdooda ah oo ka madaxbannaan xeerarka Maraykanka iyo Dollarkiisa.

Maraykanku sidee buu u arkaa mustaqbalka ururkan, werwer intee la’eg bay se ku haysaa in dunidu sidaa ka ga hoos baxdo? Khubarada iyo siyaasiyiinta Maraykanka hadalladooda kolka la isu geeyo waxaa ka muuqata yaraysi iyo ismoogaysiin aan niyad ahayn iyo baqdin ay qarsanayaan. Wax ay lee yihiin waxaa jira sababo badan oo aannaan cabsi badan u qabin waayadan dhow. Waa mar ee, awoodda dhaqaale ee Maraykanka iyo baahida Dollarka loo qabaa ma aha mid sidaa fudud loo ga maarmi karo. Ta labaadna wax ay lee yihiin dawladahaa wax midayn kara oo ay wadaagaan maba jiraan, oo siyaasadahooda iyo dhaqannadooda dawladeed waa ka la mashriq iyo maqrib. Midda saddexaad, ma aha badankoodu dawladu sharciga iyo garsoorku shaqeeyo ee waa fowdo iyo musuq, ganacsiguna wax uu u baahan yahay sharci iyo garsoor siyaasadda ka madaxbannaan. Waxaana la arki doonaa iyaga oo murankooda la imanaya maxkamadaha Yurub, ayay lee yihiin Maraykanku. Ta u gu dambaysana, dawladaha ay ka midka yihiin Masar, Itoobbiya iyo Imaaraadku dhibaatadoodu maba aha ta ururka BRICS uu xalka u raadinayo; dalalkaa dhibaatada haysataa waa mid ruuxdooda iyo qalfoofkooda dawladeed ku jirta oo in ay gudaha ka hagaajiyaan u ga baahan.

Si walba, waa shaki la’aan dunidu maanta in ay u socoto dhanka furfuranka iyo ka hoos bixidda Maraykanka. Ma jiraan wax joojin kara koboca dhaqaale iyo waxsoosaar ee xawaaraha dheer ki socda Shiinaha iyo Hindiya. Sidoo kale ma jirto cid seexin karta ama suuxiso ku mudi karta shucuubta ku baraarugtay dulmiga iyo tacaddiga dhaqaale ee reer Galbeedku muddada dheer dunida ku hayay.

W; D: Ibraahim Hawd

Hadalsame Media