AARSIGII PUTIN: Kaliya lama dilin madaxii Wagner ee waxaa lala diley raggii ugu dhowaa (Ka bogo qof kasta oo diyaaradda saarnaa & Wixii dhacay intaysan duulin)

0

(Moscow) 25 Agoosto 2023 – Markii ay 18:30 ahayd aminta maxaliga ah ee Arbacadii, diyaarad khaas ah oo ay leedahay Embraer Legacy 600 ayaa ku burburtay woqooyi-galbeed ee Moscow meel u dhow tuulada Kuzjenkino, oo shan mayl u jirta guriga Vladimir Putin ee Valdai.

Laba bilood kaddib kacdoonkii Yevgeny Prigozhin iyo kooxda Wagner ee Moscow, hoggaanka ciidamadan gaarka ah ayaa la sheegayaa in lagu diley qarax ka dhashay diyaaradda ama in diyaaradaha Ruushka ay soo rideen ciidanka cirka Ruushka, sida ay sheegayaan dhowr web oo Ruush ah.

Jevgenij Prigozjin överlevde två månader efter upproret och marschen mot Moskva den 23 juni.
Jevgenij Prigozjin överlevde två månader efter upproret och marschen mot Moskva den 23 juni.

Förutom Jevgenij Prigozjin – ungdomsbrottslingen som efter nio år i fängelse började sälja varmkorv, startade en restaurang med striptease, blev Putins kock, plötsligt serverade mat till hela ryska armén och 2014 tog över Wagnergruppen – dog ytterligare nio personer ombord på flygplanet.

Yevgeny Prigozhin – wuxuu ahaa nin dembiile noqday isagoo da’da yar, kaddib 9 sano oo xabsi ah, bilaabay iibinta hilibka ridqan ee loo yaqaan Hot Dogs, wuxuu deeto noqday cunto kariyaha MW Putin, wuxuuna si lama filaan ah qandaraas ugu qaatay cunto siinta dhammaan ciidamada Ruushka isagoo 2014-kii la wareegey kooxda Wagner.

Bal aan eegno 9 qof oo ku dhintay diyaaradda.

Dmitrij Utkin, Wagnergruppens militäre ledare. Här på en bild från Kreml, sedan han fått en medalj av Vladimir Putin 2016.
Dmitrij Utkin, Wagnergruppens militäre ledare. Här på en bild från Kreml, sedan han fått en medalj av Vladimir Putin 2016.

Dmitrij Utkin

Waa hoggaamiyihii millateriga kooxda Wagner, gacanta midig ee Prigozhin. Waxaa billad siiyey Vladimir Putin oo Kremlin-ka ku siiyey 2016. Kooxda Wagner waxaa looga yaqaanney Utkin. Waxaa uu jeclaa qaabkii Hitler. Utkin mararka qaarkood waxa uu Prigozhin kula kaftami jirey Heil Petrovich, sida uu qabo webka dibedjoogga Ruushka ee Dossier.

Valerij Tjekalov, företagsledare inom Prigozjins matimperium.
Valerij Tjekalov, företagsledare inom Prigozjins matimperium.

Valerij Tjekalov

Waa mid ka mid ahaa ragga ugu dhow Prigozhin ee ku jirey shirkadda qandaraaska cuntada ee Konkord ilaa bilowgii 2000-meeyadii. Markii Prigozhin qandaraas lagu siiyey in uu cuntada siiyo dhammaan dugsiyada Moscow iyo markii dambe inuu diyaariyo cunto ciidanka Ruushka, Chekalov ayaa mas’uul ka ahaa keenista cuntooyinka. Waxa uu sidoo kale maamulayey ganacsiga Prigozhin ee Suuriya iyo wadamo kala duwan oo Afrikaan ah, sida uu sheegay Dossier.

Aleksandr Totmin, 28, var livvakt åt Jevgenij Prigozjin.
Aleksandr Totmin, 28, var livvakt åt Jevgenij Prigozjin.

Aleksandr Totmin

Waxaa uu ka tirsanaa Wagner wuxuu kaloo ahaa ilaaliyaha gaarka ah ee Prigozhin. Waxaa loo yaqaanney Tot. wuxuuna ahaa feeryahan 28 jir ahaa. “Had iyo jeer wuxuu ahaa qof deggan oo dabci qabow,” ayuu yiri Totmin tababarihiisii hore ee feerka, sida laga soo xigtey bogga wararka ee Fontanka.

Sergej Propustin, legosoldat i Wagnergruppen sedan 2015.
Sergej Propustin, legosoldat i Wagnergruppen sedan 2015.

Sergej Propustin

Wuxuu kooxda Wagner ka mid ahaa ilaa 2015. Waxaa loo yaqaanney Ceder. Waxaa loo badinayaa inuu ka mid ahaa ilaalada Prigozhin, kaasoo sidoo kale, ku jirey dagaalkii labaad ee Chechnya, sida laga soo xigtey Dossier.

Nikolaj Matusevitj. Gick med i Wagnergruppen 2017.
Nikolaj Matusevitj. Gick med i Wagnergruppen 2017.

Nikolaj Matusejev

Nikolaj Matusevitj, sida laga soo xigtey goobta Dossier, oo helay diiwaanka askarta Wagner, wuxuu ku biiray ciidamadan gaarka ah ee 2017-kii wuxuuna ka qaybqaatay, waxyaabo ay ka mid ahaayeen dagaalladii kooxda Wagner ee Suuriya.

Jevgenij Makarjan. Deltog i Wagnergruppens strider i Syrien 2018.
Jevgenij Makarjan. Deltog i Wagnergruppens strider i Syrien 2018.

Jevgenij Makarjan

Waa askari ka tirsanaa Wagner oo lagu naanaysi jirey Makar. Waxa uu bartay ciyaaraha lagdinta wax u eg oo Ruushka looga yaqaan sambo wuxuuna jeclaa inuu wax aqriyo. Waxa uu ka qaybqaatay dagaalka Suuriya 2018, halkaas oo uu kaga dhaawacay bowdada bidix.

Kristina Raspopova var flygvärdinna på det störtade affärsplanet, vars interiör syns på högra bilden.
Kristina Raspopova var flygvärdinna på det störtade affärsplanet, vars interiör syns på högra bilden.

Kristina Raspopova

Haweenay soorto ahayd. Taleefoon ay kula hadashay qof ay qaraabo yihiin, ayay ku sheegtay in diyaaradda la dayactiray wax yar kahor inta aysan duulin, sida uu sheegay Telegram-ka VTjK-OGPU. Intii ay sheekadu socotey, waxay kaloo sheegtay in shaqaaluhu ay sugayeen taleefoon muhiim ah, “waxaan duuli doonnaa maanta ama berri” ayay tiri.

Aleksej Levsjin

Duuliyihii koowaad ee diyaaradda burburtay ee nooca gaarka ah ee Embraer Legacy 600.

Rustam Karimov

Duuliyaha 2-aad ee diyaaradda

Hadalsame Media