(Kismaayo) 24 Agoosto 2023 – Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo oo haatan ah caasimadda KMG ah ee Maamul-goboleedka Jubaland, waxaa halkaa ka taagan shaqaaqo ka dhacday guriga MW Xigeenka maamulkaasi.
Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee Jubbaland, guriga Madaxwayne Xigeenka Jubbaland ee Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa la sheegayaa inay xoog ku galeen ciidan hubaysan oo ka tirsan ammaanka Jubbaland.
Waxaa ay wararku intaa raacinayaan in halkaas laga qaatay mid ka mid ah baabuurta aanay xabaddu karin oo gurigaa yaalley, waxaa sidoo kale halkaa laga qaatay qori nooca boobaha ah iyo agabyo kale.
Warar hoose ayaa sidoo kale tibaaxaya in Madaxwayne Xigeenka oo hadda ku sugan Gobalka Gedo, uusan beriyihii dambe xiriir wanaagsan kula naalloonaynin dhinaca Axmed Madoobe, MW Maamulka Jubbaland.
Hadalsame Media