Waayo cidda la qarinayo ee ka dambaysa samaynta calooshood u shaqaystayaasha Wagner?

0

(Hadalsame) 24 Agoosto 2023 – Ciidamada Wagner – Wagner waxaa loo gu bixiyay ninka unkay oo magaciisa afgaradku sidaa yahay. Waxaa la aasaasay sannadkii 2014 iyada oo la gu bilaabay ilaa kun nin, maantana waa ilaa 20 kun oo dagaalyahan.

Dagaalkii kowaad ee ciidankani galay waa dagaalkii Ruushku ku qabsaday jasiiradda Crimea, markaas oo Ruushku doonayay in uu ka wajidadbado eedihii dunida. Wax uu se dhab u ga muuqday goobaha dagaalka ee Ruushka, sida Yukreyn iyo Suuriya, Afrika iyo Laatiin Ameerika, waxaana la gu eedaynayaa ciidankani in uu meelo badan ka geystay xadgudubyo uu ka mid yahay kufsiyo ka dhacay Jamhuuriyadda Badhtamaha Afrika, dalkan oo ciidamada Wagner ilaaliyaan goobaha la ga qodo dahabka iyo dheemmanka. Shirkad dagaal, malleeshiyo Ruushka taabacsan iyo ciidan wasaaradda gaashaandhigga Ruushka hoos tagta intaba waa la gu sheegaa.

Ciidankani wax uu dhab u ga muuqday dagaalkii Suuriya, dabadeed waxaa maalgeliyay ganacsadaha la yidhaahdo Yevgeny Prigozhin oo aan isagu waaya’aragnimo ciidan lahayn laakiin ahaa dembiile xabsi ka soo baxay haddana yeeshay goobo la ga cunteeyo dalka Ruushka. Shirkaddiisa oo lahayd qandaraaska cuntada la ga dalbado aqalka dalkaa loo ga taliyo ee Kirimiliin darteed ninkani wax uu la baxay magaca ah “cuntakariyaha Putin”. Waxaa se loo badaniyaa cidda dhab ahaan Wagner maalgelisaa in ay tahay sirdoonka Ruushka.

Ciidanka Wagner askartiisu wax ay ka kooban tahay dagaalyahanno hore oo khibraddooda dagaal lacag ku beddesha. Gaar ahaan wax ay u badan yihiin dembiilayaal u xukuman dilal iyo ka ganacsiga maandooriyaha oo xabsiyada la ga soo qortay, kuwaas oo loo ballanqaaday in muddada xabsiga la ga yarayn doono. Ama waa niman qaamaysan oo lacag ay ku qaanbaxaan iyo masaariif raadinaya.

Mushaharada la siyaa wax ay u dhaxaysaa 1200 iyo 4000 oo Dollar, kuwooda dhulalka shisheeye ka dagaallamaana intaa waa ay ka sii mushahar badan yihiin. Waa niman badankoodu ka yimid miyiga iyo dalalka Ruushka raacsan oo da’doodu u dhaxayso 25 ilaa 55 jir.

Dagaalkii u gu darnaa ee ciidankani ka qaybgalay iyo khasaarihii u gu xumaa ee ku dhacay waa dalka Suuriya. Maalintii taariikhdu ahayd 7.2.2018 gobolka Kurdida ee Suuriya waxaa weeraray 600 oo askari oo ah ciidanka Wagner kaas oo markii Maraykanku ka dacwooday Ruushku dafiray. Dabadeed Maraykanka ayaa cirka ka duqeeyay oo 200 oo nin maydkooda is dul dhigay.

Sannadkii 2017 ciidankan waxaa dalbaday kelitaliye Cumar Bashiir isaga oo saldhig ka siiyay caasimadda dalkiisa, halkaas oo ay tababarro ciidan ka siiyeen, gaar ahaanna iyaga ayaa dhisay ciidanka maanta xukuumadda Soodaan la loommaya ee loo yaqaan Gurmadka Degdegga. Markaa ka dib Bashiir wax uu Wagner siiyay xuquuqda qodista dahabka dhulkiisa. Dhanka kale ilaa 2016 ciidanka Wagner wax uu caawinayay dagaaloogaha Liibiiya, Khaliifa Xaftar. Guud ahaan Afrika dalal badan buu ciidankani joogaa, Maali, Musaambiig ilaa Madagasgar.

Saxaafad iyo cid kasta oo dalka Ruushka is ku dayda in ay dabagasho arrimaha Wagner waa la laayay ama waa loo hanjabay, dawladda Ruushkuna wax ay soo saartay go’aan dhigaya arrimahaasi in ay yihiin sir aan la faafin karin. Sidaas oo ay tahay laba bilood ka hor ciidanka Wagner wax uu ku gadooday taliska sare ee ciidamada Ruushka oo khasaare badani ka la gaadhay intii aan dalka Balaruush soo dhex gelin.

Haddaba shalay wakaaladda wararka ee Ruushku wax ay shaacisay in waqooyiga Moosko ay ku soo dhacday diyaarad sidday toban qof oo uu ku jiray hoggaamiyihii Wagner Yevgeny Prigozhin, giddigoodna ku dhinteen.

Xigasho: aljazeera.net

W; D: Ibraahim Hawd

Hadalsame Media