(Riyaad) 24 Agoosto 2023 – Xiddigga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa dareenkiisa ka dhiibtey in Gabri Veiga uu ku biirayo horyaalka Saudi Arabia laakiin haatan waxa uu ku khasbanaaday in uu difaac ka galo taageerayaal caraysan.
Xiddigga kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa soo jiitey carada qaar ka mid ah jamaahiirta Sucuudiga kaddib hadalladii uu ka yiri u wareegistii Gabri Veiga ee Sucuudiga.
Kroos ayaa muujiyey inuusan la dhacsanayn kaddib markii khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano uu shaaca ka qaaday in Veiga uu noqon doono xiddiggii ugu dambeeyey ee lacag badan ugu wareegaya Saudi Arabia.
Jookarkan qawaarka ah ee guulaystey Koobka Adduunka ayaa galay qaybta faallooyinka si uu uga fal-celiyo wareegista laacibka taasoo uu ku tilmaamay ‘wax laga xishoodo’ sida laga soo xigtay The Sun.
Si kastaba ha ahaatee, kaddib Kroos ayaa lagu khasbay inuu tirtiro faallooyinkiisa kaddib markii ay qaar ka mid ah taageerayaasha Sucuudigu soo weerareen iyagoo ku eedaynaya ixtiraam darro.
”Haa horyaallada Yurub waxaan u duminaynaa sida aad u dumiseen horyaallada kale ee aad kasoo xaddeen laacibiinta hibada leh,” ayuu mid soo qoray, halka uu mid kale ku gaabsaday ”sii ooy.”
Hadalsame Media