(Hadalsame) 24 Agoosto 2023 – Jamaahiirta kooxda Malaga ee dalka Spain ayaa qaab maad leh dadkii soo degayey ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha iyagoo ka dhigaya saxiixyo cusub oo ay kooxdoodu soo iibsatey, taasoo ay uga cabanayaan kharash la’aanta kooxda ee suuqa kala iibsiga xagaagan.
Kooxda gobolka Andalusia ayaa xilli ciyaareedkan ciyaari doonta heerka saddexaad ee kubada cagta Spain kaddib markii ay heerka labaad kasii laabatay waana laabashadii labaad shantii sano ee la soo dhaafay.
Malaga ayaa la soo saxiixatay 10 ciyaartooy xagaagan mashquulka badan ilaa haatan laakiin dhamaantood waxay ku yimaadeen beeca xorta ah taasoo keentay in jamaahiirtu ay ka niyad jabaan.
Waxayna taageerayaashu isku dayeen inay gacmahooda xal ku doonaan iyagoo adeegsanaya qaab qosol badan oo inta garoonka tageen ayay kusoo dhowaynayeen dad aanay garanayn iyagoo ka dhigaya sida saxiixyo cusub oo ay kooxdu soo iibsatey.
Labada nin oo ay iskaga camirteen ayay ku yaaceen taageerayaal aad u badan oo Malaga ah, waxayna ku soo dhoweeyeen maryo iyo calamo, iyagoo agtooda taagey wax ay u ekeeysiiyeen qof ammaanka sugaya oo been abuur ah.
Adeptos do Málaga deslocaram-se de propósito ao aeroporto para darem as boas-vindas a vários desconhecidos numa manifestação contra a falta reforços no plantel, que desceu à terceira divisão😅
Créditos: @carliyolenervio pic.twitter.com/uATQ2aU10H
— Cabine Desportiva (@CabineSport) August 22, 2023
Hadalsame Media