(Moscow) 24 Agoosto 2023 – Ciidamada gaarka ah ee calooshood u shaqaysatayaasha ah ee Wagner Group ayaa waxay ku andacoonayaan in dhimashadiisa hoggaankooduu aysan ahayn shil.
“Ruushka, wuxuu ka yahay waddani dhab ah oo ku sugan dalkiisa – Jevgenij Prigozjin ayaa u dhintay natiijada falalka khaa’inul waddaniyadeed oo ka dhan ah Ruushka. Laakiin xitaa cadaabta wuxuu noqon doonaa kan ugu fiican! Ruushku ha noolaado!”, ayaa lagu qoray akoon Telegram ah oo ku xiran ciidanka gaarka ah ee Wagner.
Roman Saponkov, oo ah nin wax ku qora blogger millateri, ayaa ka digey in kooxdu ay u aargudi doonto geerida hoggaamiyahoodii. Farriin ku qoran Telegram, oo uu wadaagey akoon xiriir la leh Wagner, ayuu ku qoray:
“Dilka Prigozhin wuxuu yeelan doonaa cawaaqib xun. Kuwa amarka bixiyey maba fahmayaan niyadda ciidanka iyo muudhkooda.
Kormeerayaal badan ayaa ku eedeeya Kremlin-ka iyo Putin inay ku lug lahaayeen dhimashadiisa. Iyo xitaa dhinaca Ukraine, hadda waxaa jira digniino ku saabsan aargoosiga kooxda.
Wagner waxa ay ka aargudan doonaan Vladimir Putin iyo Sergei Shoigu oo ah Wasiirka Gaadhaandhigga oo ay u haystaan geerida hoggaamiyahooda. Qolalka lagu sheekaysto iyo kanaallada kooxda waxaa ka buuxa baaqyo aargoosi ah,” ayuu yiri Anton Geraschenko, oo ah La-taliyaha Dowladda Ukraine ku qoray barta X, oo hore loogu yiqiin Twitter.
Magaalada wayn ee St Petersburg waxaa haatan ka soconaya xusuuso loo qabanayo hoggaankii Wagner oo loo arko inuu geesi qaran ahaa.
Wagner PMC mercenaries are going to take revenge on Putin and Shoigu for the death of their leader. Calls for revenge against the killers fill the chat rooms of Prigozhin’s channels. Law enforcers of two regions have been raised on alert. pic.twitter.com/TuMd73p445
— Anton Gerashchenko (@Gerashchenko_en) August 23, 2023
Hadalsame Media