(Johannesburg) 24 Agoosto 2023 – Xubin ka mid ah wefdiga Madaxwaynaha Shiinaha ee Xi Jinping ayaa u muuqda in laga hor istaagey inuu gelbiyo hoggaamiyihiisa, iyadoo saraakiisha ammaanka ee Koonfur Afrika ay si khasab ah albaabada uga xireen mar uu ka qaybgelayey shir madaxeedka BRICS 2023 ee ka socda Johannesburg.
Muuqaal laga duubay dhacdadan oo si wayn ugu wareegayey baraha bulshada, ayaa Xi waxaa la arkayaa isagoo usii socda halka uu shirku ka dhacayo ee Sandton Convention Center balse wax u muuqda sarkaal Shiinees ah oo daba socda iskuna dayaya inuu soo gaaro ayaa dhexda lagu reebay.
Waxaa la arkayaa saraakiisha amaanka oo diidaya inuu ninkani galo goobta ama uu garab socdo Madaxwaynaha Shiinaha, balse lama yaqaan sababta.
Sida muuqata, dhawaqa iyo is jiidjiidka ayaa xitaa soo jiitey dareenka Madaxwaynaha Shiinaha oo marar badan soo jeestey isagoo ku socda roogga cas, iskuna dayaya inuu eego waxa gadaashiisa ka socda.
Hadalsame Media