(Muqdisho) 24 Agoosto 2023 – DF Somalia ayaa 20-kii bishan soo saartay amar lagu xirayo apps-ka 1Xbet ,Telegram iyo Tiktok.
DF Somalia ayaa xiritaanka u sababaysay dhaqanxumo halkaa lagu baahiyo iyo inay ammaanka halis ku yihiin oo ay adeegsadaan kooxaha argagixisada ah, sida ay sheegeen.
Waxay u qabteen in lagu xannibo ilaa ugu dambayn 24-ka Agoosto oo Khamiistan maanta ah ku beegan oo ah waqtiga ay shirkadaha isgaarsiintu xiri karaan apps-kan.
Yeelkeede, waxaa horay tillaabadan u diidey Maamulka Somaliland oo isagu sheegta inuu Somalia ka go’ay.
Waxaan sidoo kale dad xog ogaal ah oo Puntland ku sugan ka xaqiijinnay in apps-kani ay halkaa ka shaqaynayaan.
Muqdisho iyo gobollada kale laftooda ayaa la sheegay inay weli ka shaqaynayaan Tik Tok iyo Telegram oo meelaha qaar VPN adeegsanaya, balse la jaray app-ka 1Exbet ee lagu khamaaro oo qura.
Hadalsame Media