ISKA JIR: Maxaa dhici lahaa haddii Yevgeny Prigozhin uu ogaan lahaa dardaaran uu jeediyey Cumar Bin Khadhaab RC?

0

(Hadalsame) 24 Agoosto 2023 – Dadaal inta uu ka qabo magaciisa ayuu ka diiwaan geliyey labo diyaarad oo isku eg oo aan la kala garan karin, isku waqtina kacaya, wuxuu kaloo samaystay nin u muuqaal eg oo aan isaga laga aqoon oo uu diyaaradaha midkood ku qoray, sidaas oo ay tahayna waxaa loo badiniyaa in uu diyaaradda dhacday saarnaa.

Yevgeny Prigozhin wuxuu ahaa madaxii shirkadda amniga Wagner ee awoodda badan leh, wuxuu kaloo saaxiib dhow la ahaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Waxaa jira rag kale oo Madaxweynaha ku dhow awood badanna leh sida wasiirka difaaca, Sergei Shoigu, taliyaha ciidanka militeriga Valery Gerasimov, agaasimaha nabadsugidda gudaha, General Alexander Bortnikov, madaxa sirdoonka dibadda Sergey Naryshkin iyo taliyaha ilaalada qaranka Viktor Zolotov. Raggaasi waxaa ku wada daaban maalqabeenno iyo warbaahin is wata.

Nidaamkaas oo (Oligarchy) loo yaqaan hay’adaha dawladda (national institutions), waxaa awood badan shakhsiyaadka.

Laakiin Prigozhin wuxuu kuwaa kale kaga duwanaa in uu degdeg ku soo koray sallaanka awoodda xukunka Ruuhska, isagoon lahayn waaya-aragnimo siyaasadeed oo ku filan oo ka badbaadin karta siyaasadda loolankeedu adag yahay, shirqoolkeedu badan yahay, odayga awoodda haystana uu yahay ma seereeye, raga ku hareeraysana ay yihiin kuwo ficiltan iyo is barabixis ka dhexeeyo, kuna beratama daacad ahaanshaha Duqa, iska ilaaliya, iskuna ilaaliya.

Prigozhin, waxay is qabteen ragga awoodda badan qaarkood sida; wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidanka, waxayna ku guulaysteen, iyagoo waayo-aragnimo la’aantiisa ka faa’iidaysanaya in ay odayga qoorta u geliyaan, geedkii uu degdega ku soo korayna, degdeg kaga dejiyaan.

Machiavelli ayaa laga hayaa mar uu ka hadlayey nasiibka xukunka, haddii adigoon u diyaarasanayn xukunka nasiib u hesho, wuxuu la mid yahay adoo helin oo kale, balse waxay u badan tahay in aad saaxada siyaasadda kaa baxdo ilaa abid, ama uu ku salfado, nasiib darro Prigozhin tan danbe ayaa ku dhacday.

Halkaa waxaa ku jira xikmadii laga wariyey Sayidinaa Cumar Bin Khadhaab Allaha ka raali noqdee ee ahayd; “Waaya-aragnimo yeesha inta aydaan wax xukumin.”

May be an image of 1 person

W; D: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, siyaasi & mufakir

Hadalsame Media