”Magaalooyinkeennu waxay qaar ka liitaan Somalia” – Somalia oo markale tusaale u noqotay siyaasadda Maraykanka (Daawo)

0

(Hadalsame) 24 Agoosto 2023 – Richard Blumenthal, Elizabeth Warren and Lindsey Graham flew to Ukraine for a fourth time to meet with Zelenskyy.

Look at how they’re slapping eachother on the back like old pals. They discussed providing Ukraine with even more money and possibly F16 weapons. This stuff makes my blood boil.

Joey Mannarino oo ah siyaasi iyo gayfane Maraykan ah ayaa soo qaatay sawirrada Richard Blumenthal, Elizabeth Warren iyo Lindsey Graham oo u duulay Ukraine markii afraad si ay ula kulmaan MW Zelenskyy.

Wuxuu ku qoray sidatan: ”Bal eeg sida ay dhabarka iskaga dharbaaxayaan sidii saaxiibbo hore. Waxay ka wada hadleen in Ukraine la siiyo lacag intii hore ka badan iyo F-16. Alaabahani dhiigga ayay igu karinayaan.

”Dadkiii Maraykanku waxay maalin walba u dhimanayaan gaajo iyo faqri. Waxaan leenahay magaalooyin ka muuqaal liita Soomaaliya. Kaabayaasheennu waa baaba’

”Haddana halkan madaxdeennii ayaa horay & gadaal u kala duulaya si ay u daryeelaan waddan aan ahayn howl noo taalla.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media