(Hadalsame) 24 Agoosto 2023 – Wiil ilaa shalay Fb la waday oo la leeyahay “caan buu noqday” ayaan dib u eegay saa waxaan arkay inuu soo qoray hadal anshax darro ah oo uu gabar kale ugu gafayo.
Waxaa kasii horreeyey dooddii ka taagnayd apps khamaar iyo qaawanaan lagu bandhigo oo loo doodayo waayo “qoysas baa biil ka hela”. Sii raac waanigii aragnay gabar leh “jirkayga ayaan ka ganacsadaa oo la dhegeysanayo, la waraysanayo, lana faafinayo sidii qof ku jirta xaalad caadi ah.
Noocan waxaa la yiraahdaa “mainstreaming” waa marka wax aysan ummadda caadi u arki jirin caadi laga dhigo oo noloshii caadiga ahayd lagusoo biiriyo.
Tan kale, waxaa la hirgeliyey aragti ah inay muhim tahay uun inaad caan noqoto si aad views u hesho kaddibna fuluus ugu raadiso, laakiin aysan muhim ahayn sida aad ku keentay inay xalaal tahay iyo in kale.
Su’aashu waxay tahay sidee ku dhacday inaan waxan ogolaanno oo hal mar sidaa dhaqankeennii uga ruqsaysanno weliba si sahlan oo gaaban? Waxaa loo baahan yahay faragelin deg deg ah oo agaasiman islamarkaana midaysan. Ogoow ummadi waxay jiraysaa inta ay ANSHAX leedahay.
Waxaa ka daran in siyaasad ahaan aan xitaa la ogolayn in waxan wax laga qabto oo sida muuqata maamullo ay ka mid yihiin Somaliland iyo Puntland ayay madaxdii in dhaqan-xumadan wax laga qabto kala waynaatey in DF lala yooyootamo, balse khamaar iyo qaawanaan wax qodob siyaasadeed laga doono maaha. Siyaasiga sidaa u wacyi hooseeyow duf ku bax!
W; Q: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media