Dooddii shumiska uu muranku ka dhashay oo durba gaarey Dowladda Spain & Xiriirka FIFA oo baaris furay

0

(Madrid) 24 Agoosto 2023 – Ra’iisal Wasaaraha Spain ee Pedro Sanchez ayaa horay u dalbaday inuu sharraxaad bixiyo guddoomiyaha FA-ga dalkaasi Luis Rubiales kaddib markii uu dhunkaday Jeni Hermoso final-kii Koobka Adduunka ee haweenka, taasoo hareeysay guushii 1-0 ee Spain ay kaga badisay England dalka Australia.

FIFA ayaa haatan kusoo biirtay oo dacwad anshax marin ah ka furtay Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Spain ee Luis Rubiales.

FIFA ayaa waxay sheegtay in dhacdadani ‘ay noqon karto mid jebisey qodobka 13-aad ee faqradaha 1 iyo 2 ee xeerka anshaxa FIFA.’

Baaragaraafka koowaad waxa uu tilmaamayaa ‘ku xad-gudubka sharciyada ciyaarta’, halka cutubka labaadna uu khuseeyo ‘wixii nidaam la’aan ah oo ka dhaca ciyaaraha iyo tartamada’.

Rubiales ayaa sidoo kale waxaa haysta cadaadis maxalli ah oo ugu baaqaya inuu is casilo, waxaana kalfadhiga Jimcaha ee Xiriirka Spain ee dhexe qaadacay xiriirrada gobollada qaarkood.

Hadalsame Media