”War hurdada ka toos!” – Ronaldo oo xalay ku kacay arrin ka yara baxsan isboortiga (Daawo)

0

(Hadalsame) 23 Agoosto 2023 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa furka xalay ku xooray garsoorayaasha ciyaarta intii lagu jirey guushii 4-2 ahayd ee ay Al-Nassr ka gaartey kooxda Shabab Al-Ahli Dubai, iyadoo xiddigga reer Portugal uu u muuqdey mid ku qaylinaya garsooraha isagoo u sheegaya ”inuu hurdada ka kaco.

Kooxdiisa ayaa ka soo laabatay 2-1 si ay booskeeda uga helaaan wareegga Group-yada ee Koobka Horyaallada ee Aasiya Champions League, iyadoo xiddigga shanta jeer ku guulaystey Ballon d’Or uu ku guuldarraystay inuu shabaqa soo taabto, laakiin wuxuu caawiyey goolka afraad ee Marcelo Brozovic.

38-sano jirkan ayaa markii dambe la arkayey isagoo ku qaylinaya garsooraha, waxaana uu u muuqday mid leh ‘war ka toos hurdada’, isagoo gacmaha kor u lalminaya.

Kaddib waxaa la arkayy muuqaal kale isagoo riixaya nin isku dayey inuu sawir Selfie ah la galo xiddiggii hore ee kooxaha Real Madrid iyo Man United islamarkaana ka baxaya garoonka.

Hadalsame Media