Turkiga oo Muqdisho ka dhisaya wershad koronto oo adeegsanaysa shidaalka la cusboonaysiin karo (Imisa WAT ayay soo saaraysaa?)

0

(Muqdisho) 23 Agoosto 2023 – Laba shirkadood oo Soomaali-Turkish ah ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Muqdisho.

Heshiiskan ayaa ku dhisan qorshe tamarta korontada lagu dhalinayo iyadoo la adeegsanayo shidaalka la cusboonaysiin karo.

“Waxaan martigelinney xaflad lagu kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhex maray shirkad Turki ah iyo mid Soomaali ah,” ayaa lagu bilaabay qoraal kasoo baxay Safaaradda Turkiga.

“Heshiiska ayuu ujeedkiisu yahay in magaalada Muqdisho laga dhiso wershad koronto taasoo dhamaadka 2024-ka yeelan doonta awood wax soo saar oo dhan 5.6 MW/saacaddii, taasoo tamar siinaysa ku dhowaad 40,000 oo guri.” Ayaa la raaciyey.

Somalia ayaa aad ugu baahan inay iskaga fillaato dhinaca tamarta, balse weli ma jirto siyaasad hufan oo horseedi karta inay dadku helaan koronto rakhiis ah.

Wershadaha bio-gas-ka ah ayaa tamarta kasoo saari kara habab biddaal ah oo aan shidaalkii caadiga ahaa ahayn, sida saalada lo’da, qashinka cuntada, haraaga alwaaxa IWM.

Hadalsame Media