Taageerayaasha Arsenal oo fursad ku helay Mykhailo Mudryk & Wixii kala qabsaday (Daawo)

0

(London) 23 Agoosto 2023 – Mykhailo Mudryk ayaa waxaa ku digtey taageerayaasha Arsenal oo kula camirtay go’aankiisii ku biirista Chelsea oo uu ka doortay kooxda ay London ku xafiiltamaan ee Arsenal bishii Janaayo.

22-jirkan ayaa Stamford Bridge ugu dhaqaaqay adduun dhan £88 milyan oo ginni oo ay ku kharash gareeyeen kooxda ugu lacag bixinta badan kubbada cagta adduunka, kaddib todobaadyo uu wadahadal ah kula jirey Gunners.

Kooxda Mikel Arteta ayaa ku cayntay Leandro Trossard oo uusan ku khasaarin, halka Chelsea – oo u malaynaysey inay heleen xiddig diyaar ah – ay ka shallaayeen iibsigooda.

Runtii, marka la eego luuqadda jireed ee wiilkan aragtida qaar ay qabaan taageerayaasha Gunners ayaa ah in Mudryk uu sidoo kale ka shallaayey go’aankiisa, maadaama uu badiyey kaliya seddex kulan oo horyaalka tan iyo markii uu yimid Premier League.

Halka Arsenal ay diyaar u tahay inay kusoo laabato tartanka Champions League sidoo kalena ay u muuqato koox boos fiican joogta marka ay noqoto kooxdii la horyaalka Ingiriiska ku garbin lahayd Manchester City xilli ciyaareedkan.

Fiidiyow la soo dhigay TikTok, ayay laba taageere ku camiranayaan kuna jees jeesayaan 22-jirkan, kaasoo u muuqda inuu ku xayiran yahay jidadka cariiriga badan ee London.

‘Arsenal bro, Mudryk Arsenal,’ ayuu ku leeyahay mid taageere ah. ‘Kooxdaada riyada. Kaalay, haddii aad noo ciyaari lahayd waxaad ku guulaysan lahayd Premier League.’ ayuu raacinayaa.

Hadalsame Media

@yhaidari1 😂😂 #mudryk #chelsea #arsenal #kmt #fy ♬ original sound – 🤝

Hadalsame Media