Paqueta oo baaris culus lagu hayo & Jaallayaal uu qaato kulan kasta & Faa’iidada ugu jirta oo lasoo bandhigay

0

(London) 23 Agoosto 2023 – FA-ga Ingiriiska ayaa Baaritaan dhanka qamaarka ah ku bilaabay Lucas Paqueta kaddib  sharad shaki keenay iyadoo Brazilian-kani uu jaalle qaatay seddex kulan oo West Ham dheeshey, oo uu ku jiro kulankoodii furitaanka xilli ciyaareedkan.

Mail Sport waxa uu ogaaday in baaritaan shan bilood socdey uu bilowday kaddib markii jaalle la siiyey Paqueta kulankii ay Bournemouth 1-1 la galeen 11 maalmood kahor.

Jaallihii Paqueta ee Bournemouth ma keenin dareen badan waqtigaas, laakiin waxay u badan tahay inay markaa kaddib arrintiisa u kuurgaleen taageerayaasha, saraakiisha daacadnimada ciyaarta iyo qarreenada.

Tusaale ahaan, kulankii aan soo sheegnay ee barbarraha ku idlaaday 25-sano jirkan ayaa aad isu xanaajiyey daqiiqaddii ugu dambaysey isagoo aad ugu qayliyey garsoorka oo markii dambe jaalle u taagey daqiiqaddii ugu dambaysey ciyaarta.

Paqueta ma uusan ka warqabin in baarisi ku socota waqtigii ay socotey ciyaartii Bournemouth waloow ay baaristu socotey ku dhowaad shan bilood. Si la mid ah xilli ciyaareedkii hore, waxaa la helay raadka in sharad lagu dhigtay Bournemouth waxaana uu raadku galay shirkad ku taalla Jasiiradda Paqueta, oo ah jasiirad u dhow Rio de Janeiro.

Ilo-wareedyo aqoon u leh baaritaankan ayaa Mail Sport u sheegay in dadka shirkaddan lihi ay yihiin saaxiibbo ay is yaqaannaan Paqueta.

Baaritaankii ugu horreeyeyna wuxuu bilaabmay markii dhowr mar la arkay in dalka Brazil sharad lagu dhiganayo in Paqueta uu jaalle qaadanayo gaar ahaan kulankii ay wajaheen Aston Villa bishii Maarso ee la soo dhaafay, taasoo soo jiidatey dareenka qaybta kormeerka daacadnimada ciyaarta iyo la dagaallanka musuqa oo soo helay in kulamadii kalena jaalle la siiyey laacibkan.

Paqueta ayaa la fahamsan yahay inuu dafiray dhammaan inuu wax ka ogyahay sharadka shakigu ku gadaaman yahay wuxuuna sheegay inuu ku kalsoon yahay inuusan jirin kiis uu ka jawaabo.

West Ham ayaan taageero u muujisay iyadoo tababare David Moyes uu doortay inuu ku soo bilowdo kulankii ay kooxdiisu 3-1 kaga badisay Chelsea Axaddii, markaasoo uu dhaliyey rigoore daqiiqaddii 90-aad, laakiin sidoo kale jaale ayuu qaatay. Yaab.

Hadalsame Media