(Hadalsame) 23 Agoosto 2023 – Waxaa bilowday wejiga 2-aad ee duullaanka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab looga sifaynayo gobollada dhexe.
Waxaa durba ay ciidan ka kooban dadka degaanka ah oo taageeranaya millateriga Somalia ay qabsadeen degaannada Wabxo iyo Cowswayne iyadoo loo socdo degaannada iyo degmooyinka kale sida Derri, Dac, Jacar, Caga Cadde, Toowfiiq, Cadarre, Galhareeri, Ceelbuur iwm.
Haddaba, wararka ayaa sheegaya inay ciidamada Maraykanku qayb ka yihiin duullaanka iyagoo taageero saanadeed bixinaya waxayna durba joogaan Xarar Dheere iyo Galcad, sida ay xogtu sheegayso.
Maraykanka ayaa la sheegay inuu doonayo macdan ay hodan ku tahay degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur taasoo muhim u ah tamarta nukliyeerka waana Uranium-ta.
Xogtan ayaa intaa ku daraysa in Maraykanku uu doonayo inuu heshiisyo istaraatiji ah la galo DF Somalia si uu mustaqbalka uga faa’iidaysto macdantan xilli Niger oo 5% soo saarta Uranium-ta caalamku ay joojisey inay suuqyada dunida u iib gayso curiyahan muhimka ah.
Si kastaba, lama hubin karo jiritaanka xogtan laakiin in laga faa’iidaysto Uranium-ta Somalia ma aha wax dhici kara berri iyo saadambe wadciyada amni iyo kuwa farsamo ee jira awgood.
US forces have reportedly established a presence in Galcad. Footage appears to show the presence of US troops in the #Galmudug region pic.twitter.com/mN7M2D90kk
— Sahal Magazine (@SahalMagazine) August 22, 2023

Hadalsame Media